Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey odoroska Miisaaniyadda 2020

Image

GAROWE, Puntland – Golaha Wakiiladda Puntland oo Sabtida maanta ah kulan ku yeeshay Garowe ayaa cod u qaadey odoroska Miisaaniyadda sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Miisaaniyadda oo Golaha Wasiiradda meelmariyeen ayaa waxay gaareysaa aduun lacageed dhan 346 milyan oo Doollar-ka Mareykanka ah.

Wasaaradda Maaliyadda oo baarlamaanka u gudbisay ayaa waxay shaaca ka qaadey in lagu saleeyay baahiyaha ka jira guud ahaan dalka.

Fadhigii maanta oo ay soo xaadireen 44-mudane ayaa waxay gebi gooda cod gacan taag ah ku meelmariyeen Miisaaniyadda oo lacag loogu kordhiyey shaqaalaha iyo askarta.

Barnaamijka dimoqraadiyeynta iyo Sanduuqa horumarinta Puntland ayaa sidoo kale lacago loogu kordhiyey Miisaaniyadda.

Gudoomiyaha baarlamaanka dowladda Puntland oo sharci dejiyeyaasha kaga mahadceliyay ansixinta ayaa wuxuu tibaaxay in ay u gudbayaan nidaamka maareynta maaliyadda.

Miisaaniyadda maanta ay ansixiyeen xildhibaanada dowladda Puntland ayaa ah middii ugu badneyd abid taariikhda maamulka tan iyo markii la aas aasay 1-dii August 1998-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM