Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey odoroska Miisaaniyadda 2020

Image

GAROWE, Puntland – Golaha Wakiiladda Puntland oo Sabtida maanta ah kulan ku yeeshay Garowe ayaa cod u qaadey odoroska Miisaaniyadda sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Miisaaniyadda oo Golaha Wasiiradda meelmariyeen ayaa waxay gaareysaa aduun lacageed dhan 346 milyan oo Doollar-ka Mareykanka ah.

Wasaaradda Maaliyadda oo baarlamaanka u gudbisay ayaa waxay shaaca ka qaadey in lagu saleeyay baahiyaha ka jira guud ahaan dalka.

Fadhigii maanta oo ay soo xaadireen 44-mudane ayaa waxay gebi gooda cod gacan taag ah ku meelmariyeen Miisaaniyadda oo lacag loogu kordhiyey shaqaalaha iyo askarta.

Barnaamijka dimoqraadiyeynta iyo Sanduuqa horumarinta Puntland ayaa sidoo kale lacago loogu kordhiyey Miisaaniyadda.

Gudoomiyaha baarlamaanka dowladda Puntland oo sharci dejiyeyaasha kaga mahadceliyay ansixinta ayaa wuxuu tibaaxay in ay u gudbayaan nidaamka maareynta maaliyadda.

Miisaaniyadda maanta ay ansixiyeen xildhibaanada dowladda Puntland ayaa ah middii ugu badneyd abid taariikhda maamulka tan iyo markii la aas aasay 1-dii August 1998-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM