Dowlada Puntland oo yeelatay Xeerka Dugsiyada Qur'aanka Kariimka

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo shalay uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Maalintii 2aad ayay Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL qodob-qodob uga doodeen Xeerka Dugsiyada Qur'aanka Kariimka ah ee Puntland, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku ogolaadeen 39 Mudane, halka 1 mudane diiday, 4 mudanana ka aamuseen.

Xeerka Dugsiyada Qur'aanka Kariimka ah ee Puntland oo Golaha Wakiillada DPL ay u soo gudbisay Xukumadda, gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta DPL ayaa ka kooban 37 Qodob, waxa ayna ujeeddadiisu tahay tayeynta & kor u qaadista Qur'aanka Kariimka iyo barayaasha dhigaya, sidoo kalena dhiirigelinaya ku dhaqanka Diinta Islaamka, Caqiidada toosan iyo Anshaxa wanaagsan.

Xeerka Dugsiyada Qur'aanka Kariimka ah ee Puntland ayaa kaalin wanaagsan ka qaadanaya ilaalinta xuquuqda Dugsiyada Puntland.

GO + Baarlamaanka Puntland

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM