Puntland oo si kulul u cambaareysay ku xadgudubka Nabi Maxamed

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Fadhiga 5-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa waxaa la gudo-galay qodobka 2aad ee Ajandaha oo ka hadlaya Warbixinnada Guddiyadda Golaha Wakiillada.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 43 Xildhibaan, ayaa waxaa si rasmi ah u furay

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Soo jeedin ka dib, Madax-guddiyeedyadda Golaha Wakiillada DPL ayaa codsaday in dib loogu dhigo soo jeedinta Warbixinnada Guddiyada illa maalinta maalinta berri ah ( November 01, 2020).

Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa guud ahaan ugu baaqay shacabka Muslimiinta inay difaacaan sharafta Nabigenna suuban naxariis & nabadgalyo dushiisa ha ahaate, waxa uuna tilmaamay inay tahay wax aan la aqbali karin in meel looga dhaco sharafta suubanaheena NNKH.

Baarlamaanka Puntland

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM