Xulista xubnaha Aqalka Sare ee Puntland oo laga shiray

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ka shiray xulista xubnaha maamulkan ku metelaya Aqalka Sarre ee xeer-dejinta federaalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay golahan.

Bayaankan oo lagu faafiyey ciwaanka gaarka ah ee goluhu ku yeelayahay Facebook ayaa lagu xusay in sharci-dejiyeyaasha lagu wargeliyey in ay u diyaar-garoobaan u coddeynta mudaneyaasha Senate-ka.

"Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyadoo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 48-aad," ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray 38 xildhibaan, waxaana Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu mudanayaasha ku wargeliyey in uu soo gabagaboobay Ajandihii Kalfadhiga 48-aad marka laga reebo qodobka 5-aad ee ku saabsan doorashada xubnaha Aqalka Sare Puntland ku metelaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya".

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa Golaha la wadaagay in maalmaha soo socda la qabanayo doorashadaas, Goluhuna u diyaar garoobo".

Xulista Senators-ka federaalka Soomaaliya ayaa loo balansanaa 25-ka July, 2021 oo ku beegan Axadda maanta ah, hase ahaatee, waxaa muuqata in gabi ahaanba uu dib-u-dhac ku yimid arrinkaas.

Dowlada Puntland ayaa 11 xubnood ku leh Aqalka Sare ee Soomaaliya kaasoo metela dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah xukuumadda federaalka, sidda uu xeerinayo dastuurka ku meelgaarka ah ee waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM