Baarlamaanka Puntland oo muddeeyay dooda Xeerka Isgaarsiinta

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta oo Ajandaha ahaa ka doodista xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa dib loo dhigay illa maalinta Arbacada ka dib codsiga Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL oo xeerka gacanta ku haya.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaana cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in labo maalmood oo dheer ah la siiyo Guddiga sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobkiisa 58-aad iyo Qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland Puntland.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa ka kooban 38 Qodob waxa uuna bedeli doona xeer sharci Lr. 15 ee 17-12-2007 kuna saabsanaa Isgaarsiinta iyo Khidmadaha, maadama uu la socon waayay horumarka deg degga ah ee ay ku talaabsanayso Isgaarsiinta casriga ah iyo is-bedelka khidmadaha.

Baarlamaanka Puntland

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM