Baarlamaanka Puntland oo warbixin ka dhageystay guddiyo

Image
Warbixinadda ayaa khuseeyay kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay'addaha dawliga ah.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad  ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada dowlada Puntland.

Shir-guddoonka waxaa ku wehliyey Guddoomiye ku-xigeenka  1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Qoraal kasoo baxay baarlamaanka ayaa lagu xusay in ajanadaha kulanka uu ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha 5 Guddi oo kala ah:-

Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha

Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda

Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo

Kaabayaasha Dhaqaalaha

Ugu dambeynti, warbixinnada ayaa, sida ku xusan war-saxaafadeedka, waxay ku saabsanaayeen kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay'addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM