Baarlamaanka SSC-Khaatumo oo war ka soo saaray soo xulista 17-ka xildhibaan

Image
Go’aanka golahan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad siyaasadeed ay Puntland ka taagan tahay.

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Golaha dhexe ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa soo saaray bayaan, kaasoo ku saabsan go’aankii Isimmada maamulkaasi ee ahaa inaan laga qeyb galin doorashooyinka ka socota maamulka Puntland.

Golaha ayaa isla qaatay go’aamadan:

1- 17-ka Xildhibaan ee ka soo jeeday gobollada SSC-Khaatumo ayaa kana mid ahaa Baarlamaanka Puntland (2019-2023), ma heystaan sharciyad ay ku matali karaan dadka iyo gobollada maamulka SSC-Khaatumo, maadaama waqtigoodii dhamaad yahay, loomana cusboonaysiin karo.

2- Maadaama dadka SSC-Khaatumo ay dhisteen maamul u gaar ah, Cuqaasha iyo Isimmada SSC-Khaatumo shaqsiyaad xildhibaano ka noqda maamulka Puntland, ama maamul kale, waayo taasi waxay si cad uga horimaanee Axdiga lagu dhisay maamulka SSC-Khaatumo iyo rabitaanka dadka maamulkaasi.

3- Ma jirto cid sharciyad u haysata in ay si iskeed u qorato ama xildhibaano ka dhigto Shaqsiyaad ka soo jeeda SSC-Khaatumo.

Go’aanka golahan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Puntland ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay ka bixitaanka SSC-Khaatumo ee hanaanka dowladnimo ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM