Banaanbax ka dhacey magaalo madaxda Puntland ee Garowe

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Magaalada Garowe ayaa waxaa ka dhacey banaanbax maanta looga soo horjeedo sicir bararka ku yimid sarifka lacagta iyo maciishada iyadoo jidadka magalaada isugu soo baxeen dad careysan kuwasoo dhagxaan dhigey wadada weyn ee magalaada.

Wararka ayaa sheegaya in dadkaan isu soo baxey jeexjexeen sawirka Madaxweynaha Puntland oo suraa wadooyinka iyadoo ciidamada booliisku isku dayeen iney dadkaaa kala eryaan.

Sawirada Madaxweyne Gaas ayaa darbiyada la surey sabadguuradii 19aad markii dhidibada loo taagey maamulka Puntland.

Banaabaxyadaan oo maalmihii lasoo dhaafey ka socdey magalaada Bossaso ayaa waxaa sababey in dadku ka cabanayaan sicir bararka ku yimid lacagta shilin Somaliga oo harqisey suuqyada Puntland.

Gen. Muxayadiin oo la hadlay dadka soo banaanbaxey ayaa ku guuleystey in kala kexeeyo isagoo khudbad kooban u jeediyey.

Dowlada Puntland oo muddo labo sano ah daabaceysey lacago shilin Somali ah ayaa wararku sheegayaan in lacago kale ka yimdaaen Koonfurta Somalia taasoo sababey in xukuumada diidey in dadku cashuurta ku bixiyo.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM