Banaanbax ka dhan ah Muuse Biixi oo ka dhacay Laascaanood

Image
Image

LAASCAANOOD - Wararka laga helayo magaalada Laascaanood, ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi oo maanta ka dhacay dibadbax ballaaran, oo looga soo horjeedo imaanshaha Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee degmada.

Boqolaal qof oo isagu jira rag, dumar, carruur iyo waayeello oo kamid ah dadka degaanka ayaa isagu soo baxay wadooyinka Laasacaanood, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxay dadka banaanbaxayay wadooyinka ku gubeen taayarro, iyadoo isku dayay inay kahor istaagaan Wafdiga Muuse Biixi inuu soo galo magaalada Laacaanood, balse ciidamada Somaliland ay rasaas ku fureen dibadbaxiyaasha caraysan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay wehliyeen Wasiiro katirsan Xukuumadisa, Saraakiil ciidan iyo xubno kale ayaa maalmahaan booqasho ku maraya deegaanada Soomliland, oo Berbera iyo Burco ay kamid yihiin, waxaana Maanta ay tegeen Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayaa ka dhacayay mudooyinkii dambe dibadbaxyo looga soo horjeedo Somaliland iyo ciidanka halkaasi ka jooga, iyadoo dadka degan ay taageero u muujiyeen Puntland, oo maamul ahaan ay kamid yihiin.

Booqashada Muuse Biixi ee gobolka Sool, gaar ahaan Laascaanood ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland isku hor-fadhiyaan Tukaraq, halkaasi oo maamulkaasi dagaal kula wareegay January 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM