​Bandhig Farshaxan iyo Sawirro oo Garowe lagu qabtay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Bandhig isugu jira Farashaxanno iyo Sawirro, ayaa xalay lagu qabtay magaalo madaxda Puntland ee Garowe, waxaana barnaamijka oo sannadkii labaad la hirgaliayay hindisahiisa iska lahay gabar Somaliyeed oo lagu magacaabo Balqiisa Cabdirisaaq Abshir.

Sannadkan, waxaana qabashada Bandhiggan taageeray Warsidaha Garowe Online oo sidoo kale madasha kusoo bandhiga sawirro ay qaateen Sawir qaadayaal katirsan Mareegtan.

Hindisa Barnaajikan Balqiisa, ayaa xafladda ka sheegtay inay ku faraxsantahay sida u socdo bandhiggan, waxayna xustay inay u samaysay kadib markii ay aragtay baahida loo qabo in Puntland sannadkiiba lagu qabto barnaamij noocaan ah.

Waxay mahad-celin usoo jeedisay dadkii taageerada ka gaystay iyo kasoo qayb galayaashii munaasibadda iyagoo ugu baaqday in lagu dadaalo qaadista sawirrada iyo farshaxanka.

Mulkiilaha Garowe Online Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horaysay ee uu taageerto barnaamiyo lagu qabtay magaalada Garowe, wuxuuse madasha ka cadeeyay inay qorshahan uu bilaabay 1991-kii.

Wuxuu u mahad-celiyay gabdhaha la yimid fikirka ah in Garowe sannad kasta lagu qabto bandhig noocaan ah, isagoo sheegay inay ka qayb qaadanayso hormarinta waddanka iyo dhiirigalinta jiilka soo koraya.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland, Dr Maxamed Cali Faarax, ayaa sheegay inay garab taaganyihiin dhammaan dhalinta leh hal abuurka, wuxuuna tallaabadan ku tilmaamay mid horseedaysa in dadku soo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah.

Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin, wasiirka haweenka Puntland, ayaa madasha kusoo bandhigtay sawirro ay qaaday, waxayna aad uga hadashay muhiimadda ay leedahay farshaxanka iyo qaadista sawirrada iyadoo bogaadisay dadaalka socda.

Sannadkii hore, ayay ahayd markii ugu horaysay ee Garowe bandhig noocaan ah lagu qabto, waxaana aad uga helay oo soo dhaaweeyay mas'uuliyiin iyo shacabka qaybihiisa kala duwan, kuwaasoo tibaaxay inay horseedayso hormar Puntland gaarto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM