Bankiga Islaamka oo qalab caafimaad soo gaarsiiyey Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

October 22, 2014 (GO)- Bankiga Islaamka ayaa maanta qalab caafimaad oo kala duwan soo gaarsiiyay Wasaradda Caafimaadka Puntland kuwaasoo loogu talo galay in la gaarsiiyo dhowr isbitaal.

Isbitaalka magaalo madaxda Puntland ee Garowe oo ka mid ahaa goobaha caafimaadka ee qalabkan loogu deeqayay ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa la gaarsiiyay qaybtii loogu talo galay.

Munaasabadda qalabkan kula wareegayeen mamulka isbitaalka Garowe ayaa waxaa kasoo qayb galay saraakiil ka socda Bankiga Hormarinta Islaamka, Hay'adda Zamzam Foundation iyo Wasaradda Caafimaadka Puntland.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Caafimaadka Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay barnaamijka ay deeqdaan uga hellaan Bankiga Islaamka inuu soo socday tan iyo 2010 ayna uga mahad celinayaan Bankiga dadaalka ay dhankooda ka muujiyeen sidoo kale waxa uu agaasimahu sheegay in wasiirkii hore ee caafimaadka Dr. Cali Cabdilaahi Warsame inuu qayb wayn ka qaatay sidii gargaarkan loo heli lahaa.

''qalabkan waxay ka kooban yihiin sariiraha bukaannada, qalabka qaliinka, agabka lagu koriyo carruurta dhiciska ku dhasha, iyo raajooyin waxayna qaban doonaan shaqooyin muhiim ah''.

Cabdow Taqi oo ka socda Bankiga Islaamka ayaa sheegay Somalia inay ka shaqo bilaabeen 1992 islamarkaasna qalabkan caafimaadka loogu talo galay qaar ka mid ah isbitaallada Puntland, isagoo intaas ku daray inay ka go'an tahay caawinta dadka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Garowe Dr. Cabdisamad Axmed Jaamac ayaa ka mahad celiyay deeqdan lasoo gaarsiiyay wuxuna balan qaaday inay si wanaagsan uga faa'iidaysan doonaan.

Isbitaallada Garowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Bosaso ayaa loogu talo galay deeqdan in la gaarsiiyo sida uu sheegay Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM