​Bannanbax ka dhan ah sicir bararka oo ka dhacay degmada Qardho [Dhagayso]

Image

QARDHO, Puntland- Shacabka ku dhaqan magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar, ayaa maanta dhigay bannaanbax ka dhan ah sicir baahsan oo saamayay dadweynaha degmadaas ku nool.

Shacab badan oo aad uga caraysan sicir bararka iyo kor u kaca ku yimid sarrifka lacagta qalaad ayaa iskugu soo baxay bartamaha magaalada Qardho waxayna ku dhawaaqayeen ereyo ay uga soo horjeedaan arrintan iyo lacagaha cusub ee lagu isticmaalayo suuqyada Puntland.

Dadweynihii isu soo baxay ayaa madaxda Puntland ku dhaliilay inay wax ka qabanwaayeen isbadelka ku dhacay lacagta dalka.

Waxay cabasho ka muujiyeen helista nolol maalmeedkooda maadama maciishaddii sare u kacday.

Duqa Degmada qardho Cabdi Siciid Dheere oo shacabka kala soo qayb galay banaan-baxooda ayaa dad-waynaha u sheegay inay la socdaan isbadalka ku dhacay lacagta,balse dowlada ay qorshaynayso sidii wax looga qaban lahaa sidoo kalena waxuu sheegay inay shacabku xaq u leeyihiin inay muujiyaan dareenkooda.

Halka dollar ayaa magaalada Qardho lagu badalayay lacag gaaraysa 29.000 oo shillin Somali ah,iyadoo Boqolka dollar lagu sarifayay 2900,000Shs, halka markii hore halka dollar lagu bixinayay 22,000 oo lacaga Somaliga ah.

Bannaanbaxan ayaa dabo socday kuwo is-xigxiga oo ka dhacayay magaalada Garowe todobaadyadii lasoo dhaafay kaasoo dadweynuhu uga cabanayeen lacago badan oo falso ah kuwaasoo ay daabacday xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Tan iyo markii uu xilka Qabtay Cabdiwali Cali Gaas, waxaa siyaaday cabashooyinka dadweynaha iyo ciidamada kuwaasoo ku aadan rafaad dhanka nolosha ah oo soo wajahday. Majirto wax tallaabo ah oo dowladdu qaaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM