Barlamanka oo xasaannada kala noqday wasiirrada Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Golaha Barlamanka Puntland ayaa saaka 18/07/2017 xasaannnada kala noqdey golaha wasiirada waxaana cod  gacan taaga ku ogolaaday in kalsoonida lagala noqdo 47 Xildhibaan hal xildhibaan uu diiday sagaal kelena ka aamuseen.

Fadhigan ayaa waxaa soo xaadiray 57 Xildhibaan waxaana inta la guda gelin ay Barlamanku cod gacan taaga ku aqbleen intooda badan in maanta ajanduhu noqdo codka u qaadista wasiirrada iyadoo la hakiyey qodob lagaga doodii lahaa ku aadan arrimaha xisabaadka maaliyadda oo laga doodi lahaa.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo shir gudoominayey fadhigan ayaa ku dhawaaqay in xasaannadii lagala noqday golaha wasiirada wuxuuna Madaxweyne Cabdiweli Gaas uu ka dalbay in soddon maalmood uu ku soo magacaabo gole wasiiro ah.

Golaha wasiirrada ee la riday ayaa kor u dhaafay 50 waxaana ku jira kuwo magacaban muddo yar halka kuwo kelena ay la bilawdeen xukuumadda Gaas ee la doortay horantii 2014.

Waa markii ugu horraysay oo si wadara ay Barlamanka Puntland u rideen gole xukumadeed tan iyo markii Puntland la asaasay.

Talabadaan ayaa dhabar Jab siyaasadeed ku ah Madaxweyne Gaas taasoo ku soo beegmeysa xilli Puntland ka jiraan dhbaatooyin dhaqaale iyo amni mudadii xilka a uga hartey dowlada  muddo ka yar Hal sano.

FG. Goor dhaw waxaan idiin soo gudbinaynaa Maqal iyo Muaqaal ku saabsan fadhiga maanta ee Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM