​Barlamanka Puntland oo ansixiyay hishiisyada CCECC iyo DP World [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland- Barlamanka Puntland oo Kalfadhigoodii 39aad uu uga soconayo magaalada Garowe Caasumadda Puntland ayaa maanta ka dooday hishiisyo xukuumaddu la gashay shirkado laga leeyahay dalalka China iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaa Xildhibaanada hor yimid mas’uuliyiinta sii haysa xilka Wasaaradda Dekedaha iyo Agaasimaha hay’adda Macdanta Puntland, kuwaasoo wax laga weydiiyay hishiisyadan iyo saamaynta ay leeyihiin.

Xubnaha la casuumay ayaa ka jawaabayay qaar kamid ah Su’aalo uga imaanayay Xildhibaanada kadib markii ay sharaxaad ka bixiyeen hishiisyada dowladdu lag gashay shirkadahaas shisheeye.

59 mudane ayaa u codeeyay inay aqbaleen hishiiska DP World ee lagu ballaarinayo Dekedda magaalada Bosaso, waxaana ka aamusay 1 mudane oo kaliya.

Kulanka waxaa soo caadiray 60 Xildhibaan oo kamid ah 66 mudane ee Barlamanka Puntland.

Dhinaca kale Barlamanka ayaa ansixiyay hishiiska Shidaal baarista iyo dhismaha wadada Eyl iyo Garoonka Galkacyo isugu jira, kaasoo ay wado shirkadda CCECC ee laga leeyahay waddanka China taasoo horay u dhistay garoonka diyaaradaha Bosaso.

Waqtiga la ansixinayay hishiiskaas waxaa joogay 46xildhibaan, kuwaasoo cod aqlabiyad leh ku meel mariyay.

Ansixintan ayaa timid xilli warar aan la shaacin ay sheegayaan in Madaxweyne Gaas iyo Barlamanku ansixiyaan hishiisyada xukuumadda taasoo timid maalmo kadib markii Xildhibaanadu xasaanadii kala noqdeen golahii xukuumadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM