​Barlamanka Puntland oo ansixiyay hishiisyada CCECC iyo DP World [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland- Barlamanka Puntland oo Kalfadhigoodii 39aad uu uga soconayo magaalada Garowe Caasumadda Puntland ayaa maanta ka dooday hishiisyo xukuumaddu la gashay shirkado laga leeyahay dalalka China iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaa Xildhibaanada hor yimid mas’uuliyiinta sii haysa xilka Wasaaradda Dekedaha iyo Agaasimaha hay’adda Macdanta Puntland, kuwaasoo wax laga weydiiyay hishiisyadan iyo saamaynta ay leeyihiin.

Xubnaha la casuumay ayaa ka jawaabayay qaar kamid ah Su’aalo uga imaanayay Xildhibaanada kadib markii ay sharaxaad ka bixiyeen hishiisyada dowladdu lag gashay shirkadahaas shisheeye.

59 mudane ayaa u codeeyay inay aqbaleen hishiiska DP World ee lagu ballaarinayo Dekedda magaalada Bosaso, waxaana ka aamusay 1 mudane oo kaliya.

Kulanka waxaa soo caadiray 60 Xildhibaan oo kamid ah 66 mudane ee Barlamanka Puntland.

Dhinaca kale Barlamanka ayaa ansixiyay hishiiska Shidaal baarista iyo dhismaha wadada Eyl iyo Garoonka Galkacyo isugu jira, kaasoo ay wado shirkadda CCECC ee laga leeyahay waddanka China taasoo horay u dhistay garoonka diyaaradaha Bosaso.

Waqtiga la ansixinayay hishiiskaas waxaa joogay 46xildhibaan, kuwaasoo cod aqlabiyad leh ku meel mariyay.

Ansixintan ayaa timid xilli warar aan la shaacin ay sheegayaan in Madaxweyne Gaas iyo Barlamanku ansixiyaan hishiisyada xukuumadda taasoo timid maalmo kadib markii Xildhibaanadu xasaanadii kala noqdeen golahii xukuumadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM