​Barlamanka Puntland oo dib u ansixinaya xukuumaddii ay rideen

Image

GAROWE, Puntland- Golaha Barlamanka Puntland oo ku guda jiray Kalfadhigoodii 39aad ayaa maanta u yeeray Madaxweyne Gaas iyo xukuumaddii uu dhawaan soo magacaabay si loogu qaado codka kalsoonida.

Madaxweyne Gaas ayaa golaha u jeedin doona khudbad uu kaga codsanayo Barlamanka Puntland inay meelmariyaan xukuumadda cusub, taasoo lamid ah middii lagala noqday kalsoonida.

Liis dhawaan uu soo saaray Cabdiwali Maxamed Cali ayaa dib loogu soo celiyay dhammaan wasiirradii hore iyo ku-xigeenadoodii marka laga reebo Saddex Wasiir oo joogay wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Duulista hawada iyo Haweenka.

Wasiirrad lasoo celiyay waxaa ku jiray kuwo lasoo magacaabay kahor intii aan xukuumaddii hore lagala noqon kalsoonida, kuwasoo mar kale nasiib u yeeshay inay soo noqdaan.

Wasiirradaas cusub ayaa iminka jeedinaya khudbado ay kaga hadlayaan tariikhdooda siyaasadeed, midooda waxbarasho iyo aqoontooda shaqo.

Marka ay dhammaystaan khudbadahooda ayaa loo qaadi doonaa cod gacan taag ah, taasoo ay ku heli doonaan Kalsoonida Barlamanka ama ay ku waayi doonaan.

Hoolka Barlamanka Garowe, waxaa sidoo kale joogay qaar kamid ah ururrada bulshada iyo siyaasiyiin kuwaasoo la soconaya qaabka loo qaadayo kalsoonida Wasiirrada.

Xildhibaanada Puntland, ayaa la filay inay meel-mariyaan xukuumadda cusub xilli dhawaan lagu dhaariyay dhammaan wasiirrada xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Faah faahinta Warkan dib ayaan idiin kusoo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM