Barlamanka Puntland oo ka aamusan lacagta lagu daabacey Puntland

Image

Sept 7,2015 (GO)- Barlamanka Puntland oo fasax ku jira ayaa gudiyadiisa joogtada ah aysan weli ka hadlin lacagaha Shilin Somali ah ee xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ku daabacdey magaalada Bosaso.

Dabacaada lacagta Shilin Somaliga ah ayaa hadal hayn farabadan ka abuurtey bulshada ku dhaqan Puntland iyo Somalia kadib markii xukuumada madaxweyne Gaas ku talaabsatey iney soo saarto lacag Shilin Somali ah oo aan wafaqsaneyn sharciga.

Puntland oo kamid ah dowladaha Federaalka Somalia ayaa kadib markii ay daabacdey lacagahan waxaa warsaxafdeed ka soo saarey Gudoomiyaha bangiga dhexe ee Somalia Bashiir Ciise Cali isagoo ku tilmaamey talaabo sharci daro ah.

“Lacag kasta oo been abuur ah waxay abuureysaa dhibaato dhaqaale, mid cadaaladeed iyo mid akhlaaqeed marka warqado been abuur ah la soo daabaco oo lagula wareego hantida xalaasha ah ee dadweynaha ama sicir barar lagu abuuro” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaan oo uu ku saxiixnaa Bashiir Ciise Cali. 

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo booqasho ku jooga magaalada Galkacayo ayaa wararka ku hareereysan sheegayaan in daabacada lacagahaan Shilin Somaliga ah  kamid tahay qodoboda uu kala hadlayo madaxweyne Gaas 

Daabacaada lacagtaan oo shaqaalaha rayidka iyo ciidamada Puntland lagu siiyey mushahar kadib markii muddo sagaal bilood ah aysan qaadan xaqooda ayaa sababtey in loo arko talaabo fiican ee xukumada Gaas qaadey.

Xeeldheerayaasha dhinaca dhaqaalaha ayaa rumeysan in daabacaada lacagtaan keeneyso bilaha soo socda kor u kac ku yimaada dollarka taasoo saameyn ku yeelaneysa badeecadaha qiimahooda oo cirka isku shareera.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM