​Barlamanka Puntland oo Kulan Uga Socda Garowe

Image

GAROWE- Gudoonka sare ee Barlamanka Puntland iyo guddiyada joogta ah golaha shacabka ayaa kulan uga socdaa xarunta ay ku leeyihiin magalada Garowe, iyagoo ka xaajoonaya arrimaha ku aadann wufuudda la saadaalinayo inay gaaraan Puntland. 

Shirkan ayaa mas'uuliyiinta isugu yim ka hadlayaan qaabkii loo wajihi lahaa aragtida ay wadaan beesha caalamka iyo wafdiga kasocda dowladda Federalka Somalia, kuwaas oo raba in Puntland lagu qanciyo nidaamka la qaatay in lagu salayn doono doorashada 2016 ka dhici doonta dalka Somalia. 

Xogta soo gaaraysay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaysa in kulankan dabasocdo, shir shalay isugu yimaadeen Madaxweynaha Puntland iyo golaha wasiirradda, waxaana looga hadlay isla arrinta Barlamanku ka xaajoonayaan, taasoo la sheegay in xukuumaddu isku raacday qaabkii loogu adkaysan lahaa mowqifka ay hadda taagantahay. 

Arrintan, ayaa timi kadib markii Madaxweyne Gaas, sheegay inay samayn doonaan kulamo kala duwan oo looga hadlayo go'aan lagu hagi doono doorashada Somalia, waxaana lafilayaa inuu la kulmo golayaasha dowladda, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah, si loo muujiyo arragtidooda ku khusaysa nidaamka 4.5 in mar kale dowlad Somaliyeed  lagu soo dhiso.

Waxaa xusid mudan in mowqifka shacabka Puntland horay u dhibteen iyagoo qaatey deegaan in wax lagu soo dhiso, balse waxaa soo baxaya cabsi laga qabo in nidaamka la doortay la hirgaliyo oo doorashada Somalia lagu saleeyo iyadoo Puntland arrinkaas ku qanacday. Go'aamada kasoo baxay kulanka golaha Barlamanka Puntland kala soco Warsidaha Garowe Online. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM