​Barlamanka Puntland oo Kulan Uga Socda Garowe

Image

GAROWE- Gudoonka sare ee Barlamanka Puntland iyo guddiyada joogta ah golaha shacabka ayaa kulan uga socdaa xarunta ay ku leeyihiin magalada Garowe, iyagoo ka xaajoonaya arrimaha ku aadann wufuudda la saadaalinayo inay gaaraan Puntland. 

Shirkan ayaa mas'uuliyiinta isugu yim ka hadlayaan qaabkii loo wajihi lahaa aragtida ay wadaan beesha caalamka iyo wafdiga kasocda dowladda Federalka Somalia, kuwaas oo raba in Puntland lagu qanciyo nidaamka la qaatay in lagu salayn doono doorashada 2016 ka dhici doonta dalka Somalia. 

Xogta soo gaaraysay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaysa in kulankan dabasocdo, shir shalay isugu yimaadeen Madaxweynaha Puntland iyo golaha wasiirradda, waxaana looga hadlay isla arrinta Barlamanku ka xaajoonayaan, taasoo la sheegay in xukuumaddu isku raacday qaabkii loogu adkaysan lahaa mowqifka ay hadda taagantahay. 

Arrintan, ayaa timi kadib markii Madaxweyne Gaas, sheegay inay samayn doonaan kulamo kala duwan oo looga hadlayo go'aan lagu hagi doono doorashada Somalia, waxaana lafilayaa inuu la kulmo golayaasha dowladda, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah, si loo muujiyo arragtidooda ku khusaysa nidaamka 4.5 in mar kale dowlad Somaliyeed  lagu soo dhiso.

Waxaa xusid mudan in mowqifka shacabka Puntland horay u dhibteen iyagoo qaatey deegaan in wax lagu soo dhiso, balse waxaa soo baxaya cabsi laga qabo in nidaamka la doortay la hirgaliyo oo doorashada Somalia lagu saleeyo iyadoo Puntland arrinkaas ku qanacday. Go'aamada kasoo baxay kulanka golaha Barlamanka Puntland kala soco Warsidaha Garowe Online. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM