Barlamanka Puntland oo su'aalo waydiinaya wasiirka Kaluumeysiga

Image

Nov 22,2015 (GO)- Xildhibanaada Barlamanka Puntland ayaa qorsheynaya in bisha 26 Nov, 2015 u yeeraan wasiirka Kaluumeysiga Cabdinuur Cilmi Biindhe isagoo la sheegey in wax laga waydiin doono jariifka lagu hayo xeebaha Puntland.

Barlamanka Puntland oo qodobada kalfadhigooda 36aad ka doodayaan ku jiro kaluumeysiga sharci darada ah ayaa sidoo kale u yeerey xiriiriyaha dowlada ee ciidamada PMF, taliyaha ciidamada badda Puntland iyo saraakiil kale.

Wasaarada Kaluumeysiga Puntland ayaa horey loogu eedeyey iney qayb ka tahay kaluumeysiga sharci darada ah ee ka jira xeebaha Puntland iyadoo shatiyo sharci daro ah siisa doonyaha Iranian-ta iyo maraakiib kale.

Xildhibaanada Puntland ayaa tan iyo intii ay dhacdey doorashadii gudoomiyaha Barlamanka waxaa ka dhexjira kala qaybsanan siyaasdeed taas oo keentey in is-badal ku yimaado la xisaabtanka xukuumada.

Dhinaca kale Xildhibanaada Barlamanka ayaa u yeereay madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkisa kuwasoo su'aalo laga waydiinayo degaanada ka maqan gobolka Sool.

Kalfadhiga 36aad ee Barlamanka Puntland ayaa inta uu socdey xilka ka qaadey guddoomiyaha Barlamanka kadib markii ay ku eedeyeen inuu ku xadgudbey xeer-hosaadyada aqalka wakiilada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM