Barlamanka Puntland oo su'aalo waydiinaya wasiirka Kaluumeysiga

Image

Nov 22,2015 (GO)- Xildhibanaada Barlamanka Puntland ayaa qorsheynaya in bisha 26 Nov, 2015 u yeeraan wasiirka Kaluumeysiga Cabdinuur Cilmi Biindhe isagoo la sheegey in wax laga waydiin doono jariifka lagu hayo xeebaha Puntland.

Barlamanka Puntland oo qodobada kalfadhigooda 36aad ka doodayaan ku jiro kaluumeysiga sharci darada ah ayaa sidoo kale u yeerey xiriiriyaha dowlada ee ciidamada PMF, taliyaha ciidamada badda Puntland iyo saraakiil kale.

Wasaarada Kaluumeysiga Puntland ayaa horey loogu eedeyey iney qayb ka tahay kaluumeysiga sharci darada ah ee ka jira xeebaha Puntland iyadoo shatiyo sharci daro ah siisa doonyaha Iranian-ta iyo maraakiib kale.

Xildhibaanada Puntland ayaa tan iyo intii ay dhacdey doorashadii gudoomiyaha Barlamanka waxaa ka dhexjira kala qaybsanan siyaasdeed taas oo keentey in is-badal ku yimaado la xisaabtanka xukuumada.

Dhinaca kale Xildhibanaada Barlamanka ayaa u yeereay madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkisa kuwasoo su'aalo laga waydiinayo degaanada ka maqan gobolka Sool.

Kalfadhiga 36aad ee Barlamanka Puntland ayaa inta uu socdey xilka ka qaadey guddoomiyaha Barlamanka kadib markii ay ku eedeyeen inuu ku xadgudbey xeer-hosaadyada aqalka wakiilada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM