Barlamanka Puntland oo u codayna kursiga ugu dambeeya murashaxiinta Aqalka Sare [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa wali hoolka Barlamanka Puntland ee magaalada Garowe kasocota doorashada xubnaha Puntland u matalaya Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia.

Xildhibaanada ayaa cod u qaadayay kuraas gaaraysa 11 xubnood, kuwaasoo iminka la doortay 10 xubnood oo ay harsantahay hal xubin oo qura, kaasoo ay ku loolamayaan saddex dumar ah.

Hadaba kuraasta, ayaa loogu kala guulaystay qaabkan hoose;

Kursiga 5aad

Cabdisalaam Xaaji Maxamuud Dh eere 50

Faarax Cawad Jaamac 25

Kursiga 6aad

Mahad Sheekh Nuur oo helay codada gaaraya 36 cod, halka ninka la tartamayay Cabdixakiim Axmed Xaashi  uu helay 29 cod.

Kursiga 7aad

Haween qura ayaa ku tartama, waxaana booskaasi kusoo baxday Hodan Maxamud Cusmaan 35, halka Basra Maxamuud Geelle u codeeyeen 30 mudane.

Kursiga  8aad

Waxa loo codeeyay Bootaan Barre Bootaan oo helay 38 cod, halka Morgan uu helay 27 cod.

Kursiga 9aad 

Maxamud Axmed Maxamud Mashruuc 56 

Faadumo Siciid Maxamed 84

Kursiga 10aad

Kursigaas,  ayaa noqday kii ugu adkaa inta doorashadu socotay, waxaana la isla gaaray ilaa saddex wareeg iyadoo ugu dambayn ku soo baxday Siciido Xasan Cismaan oo heshay 41 cod, waxaana wareegii koowaad ku haray, Maxamud Xasan Bile, kii labaad Axmed Cabdalla Tigaana, halka kan ugu dambeeya ku haray  Siciid Maxamuud Aadan oo helay 23.

Doorashada, ayaa wali socota, waxaana ay soo bilaabatay saaka 08 subaxnimo iyadoo uu goobta ka tagay madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kamid ahaa madaxda joogtay hoolka, waxaa sidoo kale madasha ka baxay Cumar Cabdirashiid oo isna kamid ahaa xubnihii saaka la doortay.

Waxaa xusid mudan inay joogaan dhammaan murashaxiintii kale ee la doortay.

Codaynta kursiga 11-aad ayaa iminka la guda galay iyadoo ay ku tartamayaan saddex dumar ah, waxayna ka dhigaysaa in 11 qof ee soo baxay saddex haween noqdaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM