Beel kadigtay in kursigooda Aqalka hoose Musuq-maasuq lagusoo doorto

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Beel kamid ah kuwa daga deegaanada Puntland, ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray kulamo kala duwan oo ay yeesheen tan iyo markii lasoo celiyay kursi ay kulahaayeen Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia, kaasoo la sheegay inuu kusoo baxay qaab musuq-maasuq ah.

Beesha Ugaar Saleebaan ayaa ka digtay in faro galin lagu sameeyo dib u doorashada kursigooda, waxaana qoraal ay ku saxiixanyihiin 7 nabadood iyo caaqilka guud lagu eedeeyay Guddiga doorashada heer Puntland oo ay ku dhaliileen inay faraha kula jiraan waxyaabo aysan raali ka ahayn.

Waxay sidoo kale xuseen in Ergo uusan saxiixin Caaqilka guud loo xareeyay shakhsi aan matalin iyaga, sidaas awgeed ay ka digayaan in doorashadaas loo nisbeeyo, waxayna shakhsiyaadka u sharaxan booskaas loogu baaqay inaysan ka qayb galin.

Beeshan ayaa sidoo kale tilmaamtay inuusan matali karin shakhsi kusoo baxay qaab musuq-maasuq ah, waxayna dhinacyada ay khusayso ugu baqeen in arrintaasi lala socdo.

Qoraalkan ayaa si toos ah ugu socday Guddiga doorashada heer Federaal, Guddiga khilaafaadka iyo wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia.

Kulanka arrimahaas looga hadlayay oo ka dhacay Garowe, waxaa joogay nabadoono,aqoonyahano,haween,dhallinyaro iyo beel daajaha guud ee beeshaas.

Kulankan waxaa sidoo kale Goob joog ka ahaa Musharaxiintii horay ugu tartantay kursigaasi kuwaasi oo cadeeyay in ay diyaar u yihiin mar hadii kursigaasi dib ugu soo laabtay in ugu tartamaan si cadaaladi ku dheehantahay.

Majirto waxa war ah oo kasoo baxay guddiga doorashada iyo dowladda oo lagu eedeeyay inay arrimaas wax kala socdaan.

Baayaankan ayaa soo baxay xilli doorashada Somalia muddo kooban ka dhimantahay islamarkaana uu bannaanyahay kursigii ay kulahaayeen Aqalka hoose.

Halkan ka akhriso bayaanka kasoo baxay beesha Ugaar Saleebaan

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM