Beesha Laylkase oo shir uga furmay magaalada Garoowe

Image
Image

GAROWE, Puntland- Shir ay soo qaban qaabiyeen odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Laylkase ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe iyagoo shirkan ku casumay qaar ka mid ah Isimada iyo Cuqaasha beelaha kele ee Puntland.

Suldaan Maxamed Jaamac  Shire oo ka mid Isimada Beesha Laylkase oo Saxaafadda kula hadlay madasha uu shirkan ka furmay ayaa sheegay in kulankani looga hadlayo tabashada beeshani ay ka qabto awood qaybsiga golaha wakiilada Puntland.

Suldaan Maxamed ayaa  intaasi ku daray in Isimada Puntland ay qadiyadan rabaan inay la galaan ayna kulankan kala qayb galayaan isagoo xusay in go,aamada ka soo baxa ay dib warbahinta uga soo gudbin doonaan.

Shirkan maanta ka furmay Hotel Grand ayaan la ogayn muddada uu soconayo waxaana ka qayb galay qaar ka mid Isimada kele Puntland ayna ka mid yihiin Suldaan Siciid Maxamed Garase, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Garaad Cabdull ahi Cali Ciid iyo kuwo kele.

Barlamanka Puntland ayaa dhawaan diiday in la furo Dasturka Puntland ka dib markii Madaxweynaha Puntand Cabdiweli Maxamed Cali uu dalbaday in la furo si xubno cusub loogu daro kuraasta golaha wakiillada oo 66 ka kooban.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM