Bog cusub oo u furmay xiriirka Puntland, HirShabelle iyo K/Galbeed

Image

GAROWE, Puntland – Kadib markii ay ku kulmeen Garowe, hogaamiyeyaasha Puntland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa ku heshiiyey in ay sameystaan shir saddex geesood ah.

Kulankaan oo ay martigelisay dowladda Puntland ayna sidoo kale goobjoog ka ahaa xubnaha Golaha Wasiirada ee xukuumadaha dowlad goboleedyadaasi ayaa waxaa laga soo saarey war-murtiyeed.

Sidda ku cad war-murtiyeedka, dhinacyadda ayaa waxay isla garteen xoojinta midnimadda Soomaaliya iyo taabagelinta dowlad ku dhisan federaal, dastuur, caddaalad iyo sarreynta sharciga.

Saddex dowlad goboleed ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ka wadashaqeynta dhameystirka iyo hirgelinta nidaamka federaalka ah ee uu dalka qaatay kadib sanado uu dhex-dabaalanayey colaado sokeeye.

Mas'uuliyiinta ayaa waxay isku afgarteen in ay iska kaashadaan arrimaha amniga, dagaalka argagixisada, horumarinta dowladnimada, ganacsiga, arrimaha bini'aadanimada iyo xal u helista barakacyaasha.

"Waa la isla gartay in la iska kaashado guud ahaan amniga, gaar ahaan la dagalaanka argagixisada iyo is-weedaarsiga dambiileyaasha," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo nuqul kamida lasoo gaarsiiyey Garowe Online.

Maamulada ayaa taageeray Shirkii Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Garowe, si lamida, waxay xoojiyeen talaabadii ay wasaaradaha Maaliyada dowlad goboleedyada ku qaadaceen xeerka Canshuuraha. [Halkaan ka akhriso warka]

"Puntland waxay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato khibrad iyo dhaqaale-ba dhameystirka iyo tayenta hay’adda dowlada ee maamuladda," ayaa laga soo xigtay war-murtiyeedka oo ka koobnaa todoba qodob.

Iskaashiga cusub ee ay yeelanayaan Puntland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa imaanaya xili shirkii ugu dambeeyay ee maamulada iyo dowlada dhexe ku yeesheen Garowe uu kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Dadka odorasa siyaasada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay talaabada cusub oo ay qaadeen Saciid Cabdullaahi Deni, Cabdicasiis Laftareen iyo Maxamed Cabdi Waare, mid bog cusub u fureysa cilaaqaadka maamuladooda.

Tani ayaa waxa u muuqataa mid qayb ka ah Isbedelka uu Deni balanqaaday kadib iyo kahor markii loo doortay in uu Puntland ku hogaamiyo Shanta sano ee soo socoto dhabe ah kobac dhaqaale iyo amni.

WAR-MURTIYEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM