Booliska oo dad usoo qabtay qaraxii ka dhacay saldhigga Bosaso

Image

January 13, 2015 (GO)- Ciidamada ammaanka Puntland ayaa dad usoo qabtay qarax saddex maalmood kahor lala beegsaday saldhigga booliska Bartamaha ee magaalada Bosaso.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Cabdixakiim Yuusuf Xasan ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay dhowr qof oo lagu tuhunsan yahay inay weerarkaas wax ka ogaayeen.

Dadkan oo tiradooda si rasmi ah taliyuhu u carro baabin wuxuu sheegay in baaritaan lagu wado, marka baaritaankaasi soo gaba gaboobana warbaahinta loo soo bandhigi doono.

Dhanka kale taliyaha qaybta booliska gobolka Bari ayaa ka codsaday dadweynaha inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka soona sheegaan wax kasta oo sheki geliya.

Habeenimadii Jimcaha ee lasoo dhaafay ayey ahayd markii labo bam oo kuwa gacanta ah lagu tuurey saldhiga dhexe ee booliska Bosaso.

Weerarka oo dhaawac fududi kasoo gaarey labo askari iyo haweeney kamid ah kuwa qaadka ku ag iibiya saldhigga waxaa mas'uuliyaddiisa sheegtay Ururka al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM