Booliska PL oo ka warbixiyey weerarkii xalay Bosaso ka dhacay

Image

February 8, 2015 (GO)- Saraakiisha booliska Puntland oo maanta shir-jaraaid ku qabtay magaalada Bosaso ayaa ka warbixiyey weerar xalay lagu soo qaadey bar-kantarool oo ilaalada taliye ku-xigeenka booliska Puntland u taaley meel u dhow Hotel Panorama.

Taliyaha Booliska Puntland Gen. Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay in abbaare 8:10 fiidnimo ee xalay koox Al-shabaab ka tirsani soo weerartey bar-kantarool oo ciidamo booliska ka tirsani ku sugnaayeen. DHEGEYSO

Iska hor imaad dhex maray ciidanka iyo kooxdii duulaanka soo qaadey ayuu taliyuhu sheegay in hal askari ku dhintey saddex kalena ku dhaawacmeen isagoo intaas raaciyey in ciidamadu dileen mid kamid ah kooxdii weerarka soo qaaddey.

Dhanka kale, taliyaha booliska Puntland ayaa sheegay in hawlgal ciidamada boolisku sameeyen weerarka kadib lagu soo qabtey saddex xubnood oo kamid ah kooxdii weerarka fulisey.

Soo qabashada raggan waxaa sahashey kadib markii gaari noociisu ahaa Toyota Noah oo ay ku baxsadeeni kula rogmadey jidka soddonka gaar ahaan inta u dhexeysa ceelasha biyaha iyo xaafadda Qoyan.

Boolisku waxay sidoo kale gacanta kusoo dhigeen afar gaari iyo ku dhowaad toban qof oo kale dadkaasoo isugu jira mulkiileyaasha gaadiidka kooxdaasi adeegsan jirtey iyo qaar kamid ah ganacsatada iska leh goobaha ay raggaasi ka hawlgelayeen.

Ugu dambeyntii waxay boolisku soo bandhigeen meydadka labo nin oo ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasoo mid kamid ah ciidamadu dileen midka kalena ku dhintey shilkii gaariga. Waxaa sidoo kale war-baahinta loo soo bandhigey saddex nin oo nool kuwaasoo labo dhaawac qabaan.

GARAOWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM