Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay koox burcad badeed ah

Image
Kooxdaan ayaa ku eedeysan falka Burcad-badeednimo ee afduubka Markabka Bulgarian Bulker MV Ruen.

Garowe, Soomaaliya - Taliska Booliska Puntland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in howlgal ay ka sameeyeen xeebaha gobolka Nugaal ay ku soo qabteen rag lagu eedeeyay burcad badeednimo.

Kooxdaan ayaa ku eedeysan falka Burcad-badeednimo ee afduubka Markabka Bulgarian Bulker MV Ruen kaas oo bishii December 14 ee sannadkii hore lagu dhacay xeebaha Yemen.

Booliska Puntland ayaa ku sheegay Qoraalka magacyada eedeysanayaasha ee la soo qabtay, kuwaas oo kala ah:

1. Ibrahim Cabdi Salaad
2. Maxamed Maxamed Casayr
3. Maxamed Mire Cali.

Markabka MV Ruen oo ay saaranaayeen 18-shaqaale ayaa waxaa afduubka u geystay lix qof looga shakisanaa inay yahiin burcadbadeed Soomaali ah.

Ciidamada badda Hindiya oo dhacdadaasi ka jawaabaya ayaa aagga uu falka ka dhacay u soo diray markab dagaal & diyaarado si ay u soo helaan una caawiyaan markabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UK oo bilowday wadahadal ku saabsan inuu toos ula macaamilo Puntland

Dowladda Puntland ayaa horey u dalbatay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha Caalamka.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 09:51AM

Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

  • Puntland

    04-05-2024

  • 11:43AM