Booliska Puntland oo ka hadlay doorashada Aqalka Hoose

Image
Image
Image
Image
Coddeynta ayaa lagu waddaa in ay ka qabsoonto magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

GAROWE, Puntland - Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland S/guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa Garowe kulan kula qaatay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddiga Maxamed Xasan Ciro .

Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay habka ay Ciidanka Booliska Puntland ugu diyaar garoobeen sugida amniga Doorashada Soomaaliya waxaana  ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, ku xigeenkiisa,Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal (FEIT), Guddiga Doorashadda ee heer Puntland (SEIT) iyo saraakiisha sugaysa amniga Doorashada heer Fedaraal.

Cabdi Yare ayaa Guddiga Doorashadda ee heer Federaal uga warbixiyay sida ay ugu diyaar garoobeen sugida amniga Doorashada Xilibaanada aqalka hoose ee Soomaaliya ee la filayo in ay ka dhacdo magaalooyinka Garowe iyo Bosaaso isagoo sheeegay in dhammaan ciiidanka loogu talagay sugudida amniga Doorashada ay heegan Buuxa ku jiraan.

Guddoomiyaha guddiga Doorashada heer Fedwraal Maxamed Xasan Ciro ayaa Talyaha Ciidanka Booliska Puntland, ku xieenkiisa iyo Ciidanka Booliska ku amaanay sida hagar la'aanta ah ay xil isaga saareen sugida amniga Doorashada isagoo ku dhiiri galiyay in ay halkaas shaqada ka sii wadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM