Booliska Puntland oo qabtey "dad qalab u waday kooxaha argagixisada"

Image
Booliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa xusay in eedaysanayaasha iyo qalabka lagu qabtay la horgayn doono Laamaha Garsoorka.

GAROWE, Puntland - Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Qeybta Gobolka Nugaal ayaa Koontaroolka Galbeed ee caasimadda Garoowe ku qabtay qalab loo waday Kooxaha argagixisada iyo dadkii wadday.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay qalabka iyo dadkii la socday kuwa oo tiradoodo 5 qof, 4 rag iyo hal haween ah kuwaa oo Hay'adaha amniga la socdeen.

Eedeysanayaasha la qabtay ayaa kala ah, 

1. Faisa Cali Maxamed

2. Cabdi Axmed Cusmaan.

3. Haaddi Cumar Cilmi

4. Cabdi Maxamuud Cali

5. Saalax Cabdulqaadit Mahad

Qalabka ay leeyihiin  Argagixisada Al-shabaab ayaa kala ah;

1.  Gacamo kuwa loo isticmaalo GPS MAP.

2. Qalbkaa Caafimaad oo dhamaystiran ( A leukocyte alkaline phosphatase (LAP) - Laboratory 

3. Biisooyin Kaashwito

4.  Kabo balistig ah.

5. Envactar  kuwa solar loo  isticmalo. ( Inverter solar energy system)

6. Hal Mobile kuwa qarxa lagu kiciyo. ( An improvised explosive device (IED) Cell Phone)

Lanta barista CID gobolka Nugaal ayaa horay u sii haysay  xogta ah inay kusoo fool ledahay gobolka dadka la qabtay iyo qalabka ay wadeen  ku socdeen Buuraha Gobolka Bari, kuwaa oo laga keenay Koonfurta dalka Soomaaliya.

Booliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa eedaysanayaasha iyo qalabka lagu qabtay la horgayn doonaa Laamaha Garsoorka.

"Booliska ayaa  fariin adag u diraya dhammaan dadka ku hawlan falalka amniga lidka ku ah in tilaabo sharci ah laga qaadi doono, waxaana shacabka Puntland ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan Laamaha amniga si kooxaha Argagixisada ah tilaabo sharci ah looga qaado," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraal kasoo baxay booliska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM