Boosaaso: Askari toogasho ku dilay laba askari oo kale

Image

BOSAASO - Askari ka tirsan ciidamada badda maamul goboleedka Puntland ayaa habeenimdii xalay magaalada Boosaaso ku dilay laba askari oo ciidamada Badda maamulka Puntland ay ka wada tirsanaayeen.

Askariga ayaa la sheegay in askarta geeriyootay uu rasaas ku furay iyaga oo kuwada jira hawlga ay amaanka ku sugayaan.

Saraakiisha ciidamada Badda Puntland oo la hadalay saxaafada ayaa sheegey in Askari dilka gaystey gacanta ku hayaan islamarkaana baarayaan sababta keentey inuu toogto labo Askari oo ka tirsan ciidamada.

Ciidamada Badda Puntland oo la aasaasey sanadkii 2010 ayaa waxay qayb ka yihiin hay'adaha amni sugida Puntland gaar ahaan gobolka barri halkaas oo xaruntooda ugu weyn ku taal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM