Boosaaso: Ciidamo saldhigyo ka sameystey agagaarka xarunta PSF

Image

BOSASO- Waxaa dagan xaalada magaalada Bosaso kadib markii habeenkii xalay ka jireen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhacey agagaarka xarunta ciidamada PSF.

Magaalada Boosaaso oo ay galeen ciidamo farbadan oo ka tirsan Daraawiishta Puntland maalintii shalay ayaa wararku sheegayaan iney fariisimo cusub ka sameysteen goobo aan ka fogeyn xarunta PSF ee ku taal agagaarka Madaxtooyada.

Dhinaca kale waxaa jirey ciidamo ka tirsan kuwa PMPF oo fariisin ka sameystey xalay agagaarka dekadda Bosaso.

"Ma jirto wax wadahadal oo socda marka laga eego dhinac kasta, ama muujiniya in agaasimihii hore xil- wareejin sameynayo." Sidaas waxaa Garowe online u sheegey qof ka warhaya xaalada ka taagan Bosaso. 

Habeenkii xalay ayaa dadweynaha dagan magaalada Bosaso waxaa la soo gudboonaatey xaalad cabsi taas oo sababtey in laga qaxo guryaha ka agdhow goobaha ciidamadu isku ag-fadhyaan. 

Madaxweynaha Puntland ayaa maalintii shalay hadalkiisii ugu adkaa ka yiri xaalada ka tagaan magalaada Bosaso. 

"Dalkaan (Puntland) ciidan buu yeelanayaa ee ciidan rag leeyahay ma yeelanayo, dad meelo haysta ayaa jira oo isaga bartay". sidaas waxaa yiri Madaxweyne Dani 

Ma jiraan wax warar ah oo xaqiijinaya iney imaanayaan magaalada Bosaso balse Sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay waxaa jira xiriiro u dhexeeya safaarada Mareykanka ee Muqdisho iyo Madaxweyne Dani.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM