Boosaaso: Ciidamo saldhigyo ka sameystey agagaarka xarunta PSF

Image

BOSASO- Waxaa dagan xaalada magaalada Bosaso kadib markii habeenkii xalay ka jireen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhacey agagaarka xarunta ciidamada PSF.

Magaalada Boosaaso oo ay galeen ciidamo farbadan oo ka tirsan Daraawiishta Puntland maalintii shalay ayaa wararku sheegayaan iney fariisimo cusub ka sameysteen goobo aan ka fogeyn xarunta PSF ee ku taal agagaarka Madaxtooyada.

Dhinaca kale waxaa jirey ciidamo ka tirsan kuwa PMPF oo fariisin ka sameystey xalay agagaarka dekadda Bosaso.

"Ma jirto wax wadahadal oo socda marka laga eego dhinac kasta, ama muujiniya in agaasimihii hore xil- wareejin sameynayo." Sidaas waxaa Garowe online u sheegey qof ka warhaya xaalada ka taagan Bosaso. 

Habeenkii xalay ayaa dadweynaha dagan magaalada Bosaso waxaa la soo gudboonaatey xaalad cabsi taas oo sababtey in laga qaxo guryaha ka agdhow goobaha ciidamadu isku ag-fadhyaan. 

Madaxweynaha Puntland ayaa maalintii shalay hadalkiisii ugu adkaa ka yiri xaalada ka tagaan magalaada Bosaso. 

"Dalkaan (Puntland) ciidan buu yeelanayaa ee ciidan rag leeyahay ma yeelanayo, dad meelo haysta ayaa jira oo isaga bartay". sidaas waxaa yiri Madaxweyne Dani 

Ma jiraan wax warar ah oo xaqiijinaya iney imaanayaan magaalada Bosaso balse Sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay waxaa jira xiriiro u dhexeeya safaarada Mareykanka ee Muqdisho iyo Madaxweyne Dani.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM