Boosaaso: Dhalinyaro handadey qoys oo xabsi loo taxaabay

Image
Caro xoogan ayaa ka dhalatay falkan kadib markii muuqaal laga duubay uu ku faafay internet-ka.

BOOSAASO, Puntland - Muuqaal si wayn ugu baahay baraha bulshada ayaa muujiyay kooxo hubeysan oo habeen madow u dhacay qoys degen magaalada dekadda leh Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Falkan ayaa abuuray carro.

Dadwaynaha Soomaaliyeed ee baraha Bulshada isticmaala ayaa si wayn uga falceliyay dhacdada oo muujisay qoyskaan oo hurda laga kicinaayo isla markaana ay si xun ula dhaqmayaan kooxahaan.

Illaa haatan si dhab ah looma ogga sababta ay dableyda u beegsatay guriga qoyskan. Balse muuqaalka waxa uu caddeynayaa in dhalinyaraddan ay handadayaan waalidiinta reerkan.

Balse, wararka ayaa sheegaya in dagaal-afeed dhexmaray gabdho adeegsada barta lagu wadaago muuqaalada ee TikTok uu salka ku hayo hanjabaadda qoyska ee filimka laga duubey.

Mid kamid ah muuqaalada sidda xoogan ugu faafay baraha bulshadda ayaa muujiyey mid kamid ah dableyda oo lugtiisa saaray madaxa wiil yar oo kamid ah qoyska la dhibaateeyay.

Laamaha ammaanka ee gobolka Bari ayaa shaaca ka dhigay in ay soo qabteen afar kamid ah ragga falka ku eedeysan. Balse, eedeysane kale ayaa lagu waramay in uu ka baxsadey magaaladda.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay gacanta kusoo dhigeen eedeysanihii shanaad kaasoo ay tibaaxeen in ay kasoo xireen degmada Waaciye ee gobalka Karkaar.

Dallada Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano PUNSAA oo qoraal soo saarey ayaa ku baaqday in eedeysanayaasha la hor keeno cadaaladda.

"Dalladu waxay ugu baaqaysaa laamaha amniga in ay gacanta kusoo dhigaan eedeysanayaasha falkaas ku kacay lana horkeeno cadaaladda si looga hortago in ay soo noq-noqdaan dhacdooyinkaan oo kale," ayaa lagu yiri bayaanka.

Xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha oo bayaan soo saarey ayaa ka shanqariyay in uu baaris ku wado "dhacdada dhiillada leh ee ka dhacday xarunta ganacsiga ee dowladda Puntland".

Xukuumadda Deni ayaa lagu dhaliilay in ay faraha ka bixisay amnigii Puntland isla markaana ay baaheen kooxaha abaabulan ee isticmaala waxyaabaha maanka-dooriya kuwaas oo geysta falal kasoo horjeeda anshaxa bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Go’aano laga soo saarey dhameystirka Dimuqraadiyadda Puntland

Qodobadan ayaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada oo uu guddoomiyey madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

  • Puntland

    28-03-2024

  • 12:02PM

Faysal Cali Waraabe: Jabuuti baa nooga daran Soomaaliya

Xukuumada Jabuuti ayaa durtay heshiis beenaadkii ay gaareen Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

  • Puntland

    28-03-2024

  • 11:46AM