Boosaaso: Isu-imaatinka iyo banaanbaxyada oo la mamnuucay

Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Isu-imaatinka dadweynaha iyo nooc kasta oo banaanbax ah ayaa laga mamnuucay magaala xeebeedka Boosaaso, xarunta gobolka Bari ahna xarunta ganacsiga dowladda Puntland, sidda ku cad go’aano maanta kasoo baxay shir ay maanta halkaas ku yeesheen mas'uuliyiin.

Shirkaas oo uu guddoomiyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Cabdi Ibraahim Warsame [Qawdhan], ayaa waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiinta gobolka Bari iyo saraakiil ciidan.

Taliye ku-xigeenka booliska qaybta Bari, Yuusuf Cabdi Cartan oo warfidiyeenka u waramay kulanka kadib, ayaa cod dheer wuxuu ugu baaqay bulshadda in ay u hogaan-samaan amaradda ay dowladda soo rogtay.

Mr Cartan ayaa ku nuux-nuux-saday in ciidamadda ay laba-jibaari doonan howlgaladda lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda iyo fulinta amaradan uu tibaaxay in sarre loogu qaadayo xasiloonida loogana hortagayo fowdo.

Dadweynaha ayuu cod dheer ku waydiistay in ay kala shaqeeyaan laamaha ammaanka sidii ay waajibaadkooda ku aadan nabad kusoo dabaalida magaaladda Boosaaso ay ugu gudan lahaayeen sidda ugu wanaagsan.

Amaradan ayaa kusoo hagaagaya maalmo kadib markii madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu shacabka iyo mas'uuliyiinta Puntland uu cod dheer ugu waaniyey in ay hortabin siiyaan adkeynta midnimada maamulka.

Deni ayaa fariintaas wuxuu hawada ku mariyey hadal-jeedintiisa kulan gaar ah oo PDRC Talks ay agaasintay kaasoo aan ahayn kulankii bilaha ahaa ee hay'addu qaban jirtay halkaasoo uu madaxweynuhu kusoo bandhigay macluumaadyo ku saabsan in Farmaajo rabo in waddanka uu xoog ku maamulo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM