Boosaaso oo laga hirgeliyey nidaamka casriga ah ee xisaabaadka

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Duqa Boosaaso ayaa daahfuray habka casriga ah ee xisaabaadka Computerized ee loo yaqaan Financial Management Information System [FMIS] lagana hirgalinaayo Dawladda Hoose.

Mashruucan waxaa maalgalinaya Bangiga adduunka, waxana fulinaaya Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee PFM, si horumar looga sameeyo dhanka xisaabaadka.

Daah-furkan waxaa ku lamaan-sanaa ayadoo qaybo ka mid ah shaqaalaha Dawladda Hoose loo tababarayo habka loo adeeg-sanayo Financial Management Information System [FMIS].

Daah-furka FMIS waxaa ka hadlay duqa degmada, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka, Xog-hayaha degmada iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xafiiska PFM, dhamaana waxa ay sheegeen in FMIS uu wax badan ka badali doono hannaanka Xisaabaadka Dawladda hoose ee Boosaaso.

Duqa Degmada Boosaaso Cabdi Salaam Bashiir ayaa la dardaarmay shaqaalaha Dawladda Hoose ee loo tababaraayo adeeg siga Financial Management Information System [FMIS].

Waxaa xusid mudan in Financial Management Information System horay looga hirgaliyay xarumaha Dawladdaha Hoose ee Magaalooyinka Garoowe iyo Qardho, waxaa la qorshuhu in degmooyinka lawada gaarsiiyo.

Wasaaradda Maaliyada Puntland

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM