Boosaaso oo u diyaar-garoobaysa doorashada Aqalka Hoose

Image
Image
Image
Image
Kulan looga hadlayo ammaanka coddeyntan ayaa maanta ka qabsoomay magaaladda Boosaaso.

BOOSAASO, Jubaland - Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Shir gudoomiyay shirka Amniga Magaalada Bosaaso.

Kulanka ayaa manta diirada lagu saaray xaladihii ugu danbeeyay amniga iyo shaqooyinka ka soconaya saldhigyada Bosaaso waxana warbixino soo gudbiyay Taliyaasha saldhigyada kuwaas oo ka waramay shaqooyinka amniga xaafadaha.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galeen Dhamaan Taliyaasha Saldhigyada, saraakiisha Booliska Gobalka Bari.

Qoraal kaso baxay taliska ayaa caddeeyay in is-aragan diirada lagu saaray sare u qaadida amniga guud iyo kan gaar ahaan oo marti galinaysa Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Xilibaanada Cusub Dowlada Fadaraalka Soomaaliya oo sida qorshu yahay in Bosaaso Lagu Qabto Dorashadaas.

Gunaanadka shirka Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa faray laamaha Amaanka in ay si weyn u adkeeyaan Amniga Gobalka iyo degaanada ku xeeran.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Dhamaan Ciidanka Booliska Gobalka Bari Uga Mahadceliyay Kaalinta amniga oo ay marwalba u taagan yihiin ciidamadaan waxana uu ku dhiirigaliyay in ay halkaas ka sii wadaan dardar galinta amniga waxana uu faray in marwaba ay ku jiraan heegan Buuxa oo amniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM