Boosaaso: Shaqsiyaad xukun loogu ridday kicin dadweyne

Image

BOOSAASO, Puntland – Maxkamadda darajadda koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta oo Axad ah waxay soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah shaqsiyaad lagu eedeeyay kicin dadweyne.

Eedeysaneyaasha kiiskooda go'aanka laga gaarey ayaa kala ah; Muuse Cali Jaamac, Cabdullaahi Yuusuf Buuxe, Cawad Aadan Maxamed, Cabdi Casiis Bayadhabo iyo Maxamuud Aadan Rooble.

Xukunka lagu riday shaqsiyaadkan ayaa isugu jira Xabsi iyo Ganaax Lacageed, sidda uu ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamadda.

Muuse, Cabdullaahi iyo Cawad ayaa lagu ganaaxay aduun lacageed oo dhan $500 [Shan boqol oo Doolar-ka Mreykanka ah].

Cabdicasiis iyo Maxamuud ayaa lagu riday laba sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1,000 [Kun Doolar-ka Mreykanka ah].

1-dii Janaayo, 2020, xukumaneyaasha ayaa markii ugu horeysay waxay kasoo muuqdeen fadhiga maxkamadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay faragelin siyaasadeed ku hayso arrimaha qaar kamid ah maamul goboleedyadda, taasoo la sheegay in ay jahwareer ku abuurtay shacabka goboladaas.

MUUQAALKA MAXKAMADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM