Boqor Burhaan oo shaaciyey natiijada kulankii Deni

Image
Is-aragan oo kusoo idlaadey "is-afgarad" ayaa ahaa shirkii labaad oo ay yeeshaan dhinacyadda.

BOOSAASO, Puntland - Madaxwaynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Madaxtooyada Boosaaso ku qaabilay Isimadda gobolka bari qayb ka mid ah oo uu horay ula kulmay si gaar ah.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Magalada bosaso oo bilihii u dambeeyay dagaalo iyo qaraxyo ka dhaceen, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda Puntland oo aan tafaasiil dheeraad ah bixin.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo war-saxaafadeed kasoo saarey kulanka ayaa xaqiijiyey in is-aragan uu ahaa shirkii labaad oo dhinacyadda ay ka yeeshaan qadiyadda Boosaaso.

Sida laga soo xigtay Boqor Burhaan oo ciwaankiisa Facebook-ga qoraal ku daabacay, darafyadda ayaa si qoto dheer uga sheekeystay qaabka ay tahay in loo wajaho xalka xiisadii xarunta gobolka Bari.

"Shirkan ayaa ku soo dhamaadey jawi wanaagsan iyo is afgarad arrimaha looga hadlaayey, waxaana mar saddexaad loo ballamey kulan kale, oo aan rajeynayno in uu noqdo kii lagu soo dhamaystiri lahaa arrimaha taagan," ayuu daabacay.

Wuxuu kusoo xiray: "Arrimaha doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Madaxweynaha Puntland ballan qaadey in uu marinaayo waddo sax ah, uuna kala hadli doono Isimada ay khuseyso".

Isbedel uu Deni ku sameeyay hogaanka hay'adda PSF ayaa horseeday xiisadda ka qaraxdey Boosaaso taasoo isku rogtay gacan ka hadal sababay khasaaro naf iyo maal - si lamid ah barakaca boqolaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM