Boqor Burhaan oo shaaciyey natiijada kulankii Deni

Image
Is-aragan oo kusoo idlaadey "is-afgarad" ayaa ahaa shirkii labaad oo ay yeeshaan dhinacyadda.

BOOSAASO, Puntland - Madaxwaynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Madaxtooyada Boosaaso ku qaabilay Isimadda gobolka bari qayb ka mid ah oo uu horay ula kulmay si gaar ah.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Magalada bosaso oo bilihii u dambeeyay dagaalo iyo qaraxyo ka dhaceen, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda Puntland oo aan tafaasiil dheeraad ah bixin.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo war-saxaafadeed kasoo saarey kulanka ayaa xaqiijiyey in is-aragan uu ahaa shirkii labaad oo dhinacyadda ay ka yeeshaan qadiyadda Boosaaso.

Sida laga soo xigtay Boqor Burhaan oo ciwaankiisa Facebook-ga qoraal ku daabacay, darafyadda ayaa si qoto dheer uga sheekeystay qaabka ay tahay in loo wajaho xalka xiisadii xarunta gobolka Bari.

"Shirkan ayaa ku soo dhamaadey jawi wanaagsan iyo is afgarad arrimaha looga hadlaayey, waxaana mar saddexaad loo ballamey kulan kale, oo aan rajeynayno in uu noqdo kii lagu soo dhamaystiri lahaa arrimaha taagan," ayuu daabacay.

Wuxuu kusoo xiray: "Arrimaha doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Madaxweynaha Puntland ballan qaadey in uu marinaayo waddo sax ah, uuna kala hadli doono Isimada ay khuseyso".

Isbedel uu Deni ku sameeyay hogaanka hay'adda PSF ayaa horseeday xiisadda ka qaraxdey Boosaaso taasoo isku rogtay gacan ka hadal sababay khasaaro naf iyo maal - si lamid ah barakaca boqolaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM