Bosaso: Al-shabab oo weerar kusoo qaadey saldhiga Baalade

Image

February 3, 2015 (GO)- Al-shabab ayaa caawa weerar qorsheysan kusoo qaaddey saldhigga booliska Baalade ee ku yaal xaafada New Bosaso ee magaalada Bosaso.

Iska hor imaad xooggan oo soconayey muddo nus saac ah ayaa dhex maray ciidamadii saldhiggaas ku sugnaa iyo kooxda weerarka soo qaaday.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha, haseyeeshee saraakiil ka tirsan booliska ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in weerarka lagu gubey mid kamid ah gaadiidka ciidamada booliska islamarkaana hal askari dhaawac culus soo gaarey..

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli isla maanta Al-shabaab hoobiyeyaal aan khasaare geysan ku garaacdey fariisimaha ciidamada ammaanka Puntland ee buuraleyda Galgala.

Isla gelinkii hore ee maanta waxaa magaalada Gaalkacayo qarax lagula beegsaday gaari uu watey xisaabiyaha wasaarada maaliyada ee gobolka Mudug Gaadayare waxaa sidoo kale caawa toogasho lagu diley guddoomiyihii xaafad ka tirsan Garsoor ee magaalada Gaalkacyao Maxamuud Diiriye Bidaar.

Faahfaahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM