Bosaso: booliska oo hawlgallo wada

Image

Sept 30, 2014 (GO)- Taliska booliska gobolka Bari ayaa ka warbixiyey hawlgallo ammaanka lagu sugayo oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey magaalada Bosaso laga waday.

Taliye ku xigeenka qaybta booliska gobolka Bari Axmed Yuusuf Muuse ayaa sheegay in howlgalladu isugu jiraan qabqabashada tuugada; iyo dadka daroogada ka ganacasda  gaar ahaan khamriga iyo la dagaalanka bacaha madow ee baabuurta muraayadaha looga dhejiyo.

Ku dhowaad toban qof oo kuwa dadka moobilada ka furta iyo kuwa daroogada isticmaala isugu jira ayuu taliyuhu sheegay in boolisku ay qabteen dabadeena xabsiga u gudbiyeen kaddib markii maxkamadda gobolka lasii marsiiyey.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in ammaanka gobolka Bari gaar ahaan kan magaalada Bosaso uu aad u wanaagsan yahay, wuxuuna digniin adag u diray tuugada iyo daroogiistayaasha isagoo xusay in meel kasta oo ay galaan boolisku kaga daba tegi doono lana soo qaban doono.

Punltand ayaa dhowr mar oo hore mamnuucday bacaha madowga ah ee lagu dhejiyo muraayadaha baabuurta, maadaama la sheegay in dadka geysta falalka ammaan darada ahi ay bacahaas si joogto ah u isticmaalaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM