​Bosaso: Faah faahin taliyaal xilalkii laga qaaday

Image

BOSASO- Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), ayaa lagu sheegay in xilalkii laga qaaday taliyihii ciidanka Boliiska Puntland Sarreeye Guuto Cabdirasaaq Maxamud Yusuf (Afgaduud) iyo taliyihii ciidanka Birmadka G/sare Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow).

Xilka qaadista saraakiishan ayaa loo cuskaday talo soo jeedintii ay sameeyeen guddi loo xilsaaray inay baaraan sababta keentay inay isfara saaraan labadaasi taliye, xilli lagu sugnaa xerada ciidanka Birmadku ku leeyihiin magalada Bosaso, taasoo keentay inay lagu dhaawaco wasiirka amniga Puntland iyo ciidamo kale, halka sarkaal kalena ku dhintay.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in arrintaasi madaxweyne Gaas u sameeyay isbadal la doonayo in lagu sameeyo ciidamada Booliiska.

Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Cabdulqaadir Shire Farax (Ereg), ayaa si kumeel gaar ah loogu magacaabay booska laga qaaday Afgaduud.

Taliyaha KMG ah ayaa muddo kooban ahaa Taliye ku xigeenka Booliska Puntland isagoo horey isaga casiley gudoomiyaha gobolka Mudug.

Ereg, ayaa la faray inuu si deg deg u soo magacaabo taliyaha ciidamada Birmadka Booliska.

Afdalow ayaa horey isugu difaacay inuusan hoos imaan taliska Booliska Puntland balse hoos yimaado xafiiska madaxweynaha Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM