Bosaso: Gudoomiyihii hore Bari oo la weeraray

Image

BOSASO- War deg deg ah oo soo gaaraya Garowe Online ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay weerar ku qaaden aqalka Gudoomiyihii hore ee Gobobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan.

Weerar ayaa imaanaya, kadib markii maanta magaalda Bosaso ka dheceen rabshado, islamarkaana ay sameeyeen dhalinyaro kuwaas oo sida wararku sheegayaan ay ku dhinteen gabar iyo nin, waxaana ku dhaawacmay shan ruux sida ay wararku sheegayaan.

Gudoomiyihii horre Gallan ayaa wararka laga helayo saraakiisha ciidanka  sheegayaan in guriga uu ka baxsaday inta ciidamada howl-galka ku aaday gurigiisa aysan gaarin.

Khasaarada ka dhashay weerarkaasi ayaan la garanayn, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in labo qof oo ilaalada guriga ka mid ahaa dhinteen.

Ilaa hadda lama caddayn halka uu ku dambeeyay gudoomiyihii hore gobolka Bari, waxaase kacsan xaaladda magalada Bosaso.

Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa looga cabsi qabaa inuu ku lug lahaa banaanbaxyada ka dhacay xarunta ganacsiga Puntland, waana tan keentay in gurigiisa howl gal ciidan loo aado.

Gallan ayaa horray u dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Gaas, waxaana tallaabadan timi xilli madaxwaynaha Puntland ku sugan Bosaso.

Ilaa hadda majirto cid katirsan dowladda iyo laamaha ammaanka gobolka Bari oo ka hadlay xaaladda kacsan ee Bosaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM