Bosaso: maxkamadda ciidamada PL oo xukuntey afar eedaysane

Image

February 22, 2015 (GO)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Sanaag iyo Haylaan ayaa maanta xukunno kala duwan ku riddey afar nin oo ku eedeysnaa dembiyo kala duwan.

Xeer-ilaaliyaha guud ee maxakamdda ciidamada Puntland Cabdikariim Xasan Firdhiye oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey eedaysaneyaasha maxkamaddu dacwadooda u fariisatey iyo qaabka loo kala xukumey.

Mid kamid ah afarta eedaysane oo lagu magacaabi jirey Cali Axmed Ceegaag kaasoo ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda waxay lagu xukumey dil toogasho ah kadib markii uu si bareer ah u diley Jaamac Cabdulqaadir Faarax August 14, 2014.

Eedaysanaha labaad oo lagu magacaabo Maxamuud Aadan Ducaale waxay isna maxkamaddu ku xukuntey shan iyo toban sano oo xarig ah kadib markii sida la sheegay uu qirtey inuu ka tirsanaa Al-shabab balse xilligii gacanta lagu dhigayey aanu wax fal-dambiyeed ah ku guda  jirin.

Maxkamaddu waxay dib xoriyaddooda ugu soo celisey Jaamac Maxamed Cabdulle iyo Daa'uud Aadan Ibraahim oo horay loogu xukumey dil toogasho ah laguna soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Labada eedaysane ayaa xukunkaas rafcaan ka qaatey waxaana sida xeer-ilaaliyuhu sheegay caddaatay inaysan wax demi ah lahayn islamarkaana ahaayeen niman geedka cadeyga (Rumeyga) ka ganacsan jirey oo la qabtey xilli ay cadeyga ka gurayeen meel u dhow tuulada Galgala oo xilligaas Al-shabaab fariisin weyn u aheyd.

Waar markii afraad muddo labo asbuuc gudahood ah ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland xukunno kala duwan ku riddey eedaysaneyaal loo soo qabtay kamid ahaanshaha Al-shabaab iyo inay falal ammaanka liddi ku ah ka geysteen gudaha Puntland.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM