Bulshada Rayidka Puntland oo war ka soo saartay shaqaaqadii Maraaga

Image
Dagaalka Maraaga ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 8 ruux.

GAROWE, Soomaaliya - Bulshada rayidka ah ee Puntland ayaa maanta soo saartay baaq ku aadan in la joojiyo xiisada ka taagan Bariga Laascaanood oo hadda meel wanaagsan mareysa xalinteeda.

Qoraal kooban ay soo saartay PUNSA ayaa lagu yiri:

“Si loo dhawro sharafta iyo nolosha dadka rayidka ah, difaaca iyo xasilloonida gobolka Sool waxay ku kacday qiimo sare. Wax walba oo u muuqan kara in ay xagal daacinayaan qaddiyadda Sool waa in laga dhawrsadaa.”

PUNSAA ayaa xasuusisay xisbiyada walaalaha ah in waxa mideeya ay ka weyn tahay khilaafyada kala fogeeya.

“PUNSAA oo runtii aad uga xun nasiib-darrana u aragta isfahan-waaga dhacay. Waxay boggaadinaaysaa dadaalada odoyaasha iyo waxgaradka ee hawsha lagu xallinayo.” ayaa lagu xusay bayaanka.

Siyaasiyiin, dhaqan, iyo aqoonyahanno ayaa sidoo kale baaq ka soo saaray xiisada ka dhex aloosan deegaanka maaraga ka dib markii uu dagaal dhaxmaray laba beelood oo walaala ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 8 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen.

Dhanka kale, maamulka SSC-Khaatumo oo war ka soo saaray dhacdada ayaa tacsi u diray dadkii wax ku noqday shaqaaqadii Maraaga, iyaga oo sheegay in fulin-doono go'aankii uu ka soo saaray arrimaha hubka iyo gaadiidka dagaalka la xiriira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM