Burtinle: Madaxweyne Gaas oo la kulmay Islaan Bashiir

Image
Image
Image

July 31, 2015 (GO)- Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Soo dhoweynta waxaa ka qayb qaatay mas'uuliyiinta ugu sarreysa maamulka Burtinle, isimmo iyo dadweyne boqollaaal tiradoodu gaareysey, kuwaas oo ruxayey caleemo qoyan.

Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweynaha, wuxuuna uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen.

"Runtii sida aadka u wanaagsan ee aad noo soo dhaweyseen aniga iyo wefdigayga aad ayaan idiinka mahadcelin , waxaa iiga muuqata soo dhaweynta dad faraxsan , waxaa sidookale ii muuqda magaalo qurux badan oo hurumartay" ayuu yiri.

Ugu dambeyn waxaa wafdiga loo gudbiyey hoyga uu degmada Burtinle ka dagan yahay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle , waxaana halkaas madaxweynaha si wanaagsan ugu soo dhaweeyey Islaan Bashiir oo u sameeyey qado sharaf.

Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in Madaxweynaha iyo Islaanku ka wada hadleen xaaladda gobolka Mudug iyo weliba muranka dhanka xadka ee ka dhex aloosan Puntland iyo maamulka dhowaanta Cadaado lagu dhisay ee Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM