Burtinle: Madaxweyne Gaas oo la kulmay Islaan Bashiir

Image
Image
Image

July 31, 2015 (GO)- Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Soo dhoweynta waxaa ka qayb qaatay mas'uuliyiinta ugu sarreysa maamulka Burtinle, isimmo iyo dadweyne boqollaaal tiradoodu gaareysey, kuwaas oo ruxayey caleemo qoyan.

Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweynaha, wuxuuna uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen.

"Runtii sida aadka u wanaagsan ee aad noo soo dhaweyseen aniga iyo wefdigayga aad ayaan idiinka mahadcelin , waxaa iiga muuqata soo dhaweynta dad faraxsan , waxaa sidookale ii muuqda magaalo qurux badan oo hurumartay" ayuu yiri.

Ugu dambeyn waxaa wafdiga loo gudbiyey hoyga uu degmada Burtinle ka dagan yahay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle , waxaana halkaas madaxweynaha si wanaagsan ugu soo dhaweeyey Islaan Bashiir oo u sameeyey qado sharaf.

Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in Madaxweynaha iyo Islaanku ka wada hadleen xaaladda gobolka Mudug iyo weliba muranka dhanka xadka ee ka dhex aloosan Puntland iyo maamulka dhowaanta Cadaado lagu dhisay ee Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM