Buug lagusoo bandhigay Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Qoraa dhalinyaro ah islamarkaana ku jira bahda suugaanleyda ayaa xalay magaalada Garowe xarunta Puntland kusoo bandhigay, buug uu uga hadlayo xaaladda Tahriibka iyo dhibka soo wajaha waalidiinta.

Qoraa Maxamed Saalax Maarre, ayaa Buugiisa uu ugu magac daray “Mugdiga Nolosha”, wuxuu kusoo qaatay qisooyin kala duwan oo ay la kulmeen waalidiin dhallaankooda ay u tahriibeen Yurub.

Xafladdan oo ay joogeen, wasiirka wasaaradda cadaaladda Puntland, abaawaano, qorayaal kale, dhalinyaro rag iyo dumarba leh ayaa aad loogu faaleeyay dhibaatada laga dhaxlo socdaalka Yurub lagu aadayo.

Maarre oo safar dheer usoo galay sidii uu buugan ugusoo bandhigi lahaa magaalada Garowe, ayaa dhalinyarada ka codsaday inay dhulkooda joogaan islamarkaana dhibaato usoo jiidin walidkood.

Wuxuu sheegay inuu qoray ilaa dhowr buug oo kale, balse tahay markii ugu horaysay ee uu yimaado caasumadda Garowe, wuxuuna ka mahad-celiyay sida loogu soo dhaweeyay.

Qaar kamid ah dadkii soo xaadir oo goobta bandhigga ka hadlay, ayaa xusay inay aad ula dhaceen qisooyinka ku qoran buugga, waxayna sheegeen inuu qayb weyn ka qaadanayo sidii dhalintu ugu nagaan lahayd dalkooda.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland, Saalax Xabiib Xaaji Jamaac, oo munaasabadda soo xiray, ayaa sheegay in hal abuurka iyo wax qoristu tahay qorshe u baahan in la dhiiri galiyo, isagoo xusay inuu dhowr jeer oo hore isku dayay sidii dhalinta loogu baraarujin lahaa inay wax qoraan.

Qoraagan oo muddo ku dhow ku sugnaa magaalada Garowe, ayaa ka yimid magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ee Somaliland, wuxuuna halkaas horay waqtiyo kala duwan ugusoo bandhigay buugaag kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM