Buug lagusoo bandhigay Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Qoraa dhalinyaro ah islamarkaana ku jira bahda suugaanleyda ayaa xalay magaalada Garowe xarunta Puntland kusoo bandhigay, buug uu uga hadlayo xaaladda Tahriibka iyo dhibka soo wajaha waalidiinta.

Qoraa Maxamed Saalax Maarre, ayaa Buugiisa uu ugu magac daray “Mugdiga Nolosha”, wuxuu kusoo qaatay qisooyin kala duwan oo ay la kulmeen waalidiin dhallaankooda ay u tahriibeen Yurub.

Xafladdan oo ay joogeen, wasiirka wasaaradda cadaaladda Puntland, abaawaano, qorayaal kale, dhalinyaro rag iyo dumarba leh ayaa aad loogu faaleeyay dhibaatada laga dhaxlo socdaalka Yurub lagu aadayo.

Maarre oo safar dheer usoo galay sidii uu buugan ugusoo bandhigi lahaa magaalada Garowe, ayaa dhalinyarada ka codsaday inay dhulkooda joogaan islamarkaana dhibaato usoo jiidin walidkood.

Wuxuu sheegay inuu qoray ilaa dhowr buug oo kale, balse tahay markii ugu horaysay ee uu yimaado caasumadda Garowe, wuxuuna ka mahad-celiyay sida loogu soo dhaweeyay.

Qaar kamid ah dadkii soo xaadir oo goobta bandhigga ka hadlay, ayaa xusay inay aad ula dhaceen qisooyinka ku qoran buugga, waxayna sheegeen inuu qayb weyn ka qaadanayo sidii dhalintu ugu nagaan lahayd dalkooda.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland, Saalax Xabiib Xaaji Jamaac, oo munaasabadda soo xiray, ayaa sheegay in hal abuurka iyo wax qoristu tahay qorshe u baahan in la dhiiri galiyo, isagoo xusay inuu dhowr jeer oo hore isku dayay sidii dhalinta loogu baraarujin lahaa inay wax qoraan.

Qoraagan oo muddo ku dhow ku sugnaa magaalada Garowe, ayaa ka yimid magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ee Somaliland, wuxuuna halkaas horay waqtiyo kala duwan ugusoo bandhigay buugaag kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM