​Caafimaad darro ciidanka difaaca saamasay oo Qandala ka jirta

Image

BOSASO, Puntland- Xaalad caafimadda darro iyo abaar baahsan ayaa lagasoo sheegayaa degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaasoo horay uga jirtay saamayn  ay u geeysteen mallayshiyaad katirsan Daacish oo qabsaday dabayaaqadii Sannadkii tagay 2016.

Wararka warsidaha GO, ka helayo dhinaca maamulka ayaa intaas ku daraya inaysan shaqaynayn xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada, xilli todobaadkii hore Madaxweyne Gaas ballan qaaday in dib loo furi doono goobahaas iyadoo dhammaan agabyadii iyo goobihii bulshada loogu adeegi jiray bur-buriyeen koox katirsan Daacish.

Guddoomiyaha degmada Qandala, ayaa sheegay inay xanuuno ka dilaaceen magaalo xeebeedkaasi qadiimiga ah, taasoo saamaysay ciidamada difaaca Puntland oo halkaasi muddo ku sugnaa, wuxuuna xusay inay u jiifaan dad shacab ah oo haween iyo carruur u badan.

Jaamac Maxamed Khuurshe, ayaa tilmaamay in tiro badan oo kamid ah ciidanka ammaanka ay  la Il-daranyihiin Cuduuradaas oo isugu jira Kaduudshe iyo Duumo.

Khuurshe, ayaa intaas ku daray in askarta qaybtood loo qaaday magaalada Bosaso, halka kuwo kale wali ku suganyihiin Qandala iyadoo aysan jirin adeeg caafimaad oo ay halkaasi ka heli karaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inay ka jirto halkaas abaar baahsan oo saamaysay dadka iyo duunyada.

Mar wax laga weydiiyay xaalka degmada waxa iska badalay boogashada Madaxweyne Gaas kadib, wuxuu cadeedyay  inay wali xiranyihiin dhammaan xarumihii uu sheegay Madaxweynuhu in la furi doono.

Qandala oo qiyaastii 75KM u jirta magaalada Bosaso, waa xarun qidiimi ah islamarkaana ku taalla goob is-taraatijig ah, waxaana laga helaa khayraad kala duwan sida; Kalluunka xagga Maydiga,Beeyada,Xabagta, balse waxaa sannadkii hore muddo bil ah gacanta ku hayay Daacish iyagoo ka barakiciyay dhammaan dadkii joogay, waxayna bur-bur baahsan soo gaarsiiyeen hantidii kale ee dadweynaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM