Caasimadaha dowladaha Puntland iyo Jabuuti oo la mataaneynayo

Image

GAROWE, Puntland – Dowladaha Puntland iyo Jabuuti ayaa kawada shaqeynaya sidii ay u mataaneyn lahaayeen caasimadahooda, sidda uu shaaca ka dhigay mas'uul sarre kaasoo fahfaahiyey halka ay haatan wax u marayaan.

Axmed Saciid Muuse, duqa caasimada Puntland ee Garowe, ayaa Madasha PDRC Talks wuxuu habeenimadii Talaadada ka sheegay in dhigiisa Jabuuti ay mab'da ahaan isla qaateen talaabadan, ayna diyaarinayaan qoraalada.

Sidda laga soo xigtay Axmed, munaasabada saxiixa waxay Garowe ka qabsoomi doontaan dhowaan, wallow uusan dadweynaha la wadaagin waqtiga.

Xilli uu jeedinayey khudbada furitaanka Madasha, Axmed oo farxad ka muujiyey mataaneynta labada magaalo ayaa guul u rajeeyay qorshahooda.

"Waxaan noo suurtagashay in aan la kulano dhigayga Maayarka Jabuuti. Waxaan ku heshiinay in Garowe iyo Jabuuti la mataaneeyo. Hadda waxaa socda dukumiintiyadii iyo qoraaladii baa la diyaarinayaa. Waxaan ku martiqaadnay Garowe in ay yimaadaan. Insha Allah, waxaan rajeynaynaa heshiiska mataaneenta in aan ku saxiixno halkan PDRC aan joogno," ayuu ka dhawaajiyey.

Mawduuca Dooda Madasha PDRC wuxuu ahaa 'Doorka Dowladda Jabuuti ee Nabadeynta, Dib-u-heshiisiinta iyo Dowlad-dhisidda Soomaaliya'.

Aadan Xasan Aadan, dajiraha Jabuuti u fadhiya Muqdisho oo marti ku ahaa, ayaa ku dheeraadey ka shaqeynta kaalinta dowladiisa, isagoo ku nuux-nuux saday in ay ka go'an tahay taageerida dedaalada aas-aaska loogu dhigo qaranka.

Ka qeybgaleyaasha ayaa soo hadal-qaadey Shirkii Carte oo kamid ahaa kulamadii loo qabtay yagleelida qaranka Soomaaliya kadib burburkii 1991-dii.

Mataaneynta Garowe iyo Jabuuti ayaa loo arkaa fursad muhiim ah oo ay iska kaashanayaan labada magaalo dhanka horumarinta iyo bilicda, waxaana mashruucaan uu Axmed ku riixay socdaal uu dhowaan ku tagay waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM