Cabdiweli Gaas: "aqbali mayno federaal khilaafsan dastuurka dalka"

Image

June 15, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland aqabali doonin nidaamka federaalka haddii uu noqdo mid ka hor imaanaya shuruucda dalka u deggen iyo heshiisyadii horay loo gaarey.

Gaas ayaa warkan ka sheegay xafladdii furitaanka kal-fadhiga 35ad ee baarlamaanka Puntland oo maanta Isniin, June 15, 2015 si rasmi ah u frumey.

"Soomaaliya waxay ku heshiisey nidaamka federalismka...dastuurka federaalkuna wuxuu qeexayaa qaabka iyo sida dastuurka federaalku uga hirgeli karo Soomaaliya, Puntland waa aabihii iyo hooyadii faderaalka Soomaaliya, waxayna ku hamineysey mar walba Soomaaliya oo ku mideysan habka federaalka" ayuu yiri.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu intaa raaciyey  "Haddii qaabka hadda federalismka loo wadaa noqdo mid ka hor imaanaya shuruucda dalka, dhibna u geysanaya maamulladii jirey, waxaa imaaneysa in dib u eegis lagu sameeyo wax kasta oo lagu heshiiyey...dowladda Puntland waxay ka digeysaa in lagu xad gudbo dastuurka iyo qawaaniinta dalka"

La-dagaalanka Al-shabaab:

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Puntland keli ku tahay dagaalka ay kula jirto Al-shabaab maadaama aysan taageero ka helin beesha caalamka.

Gaas ayaa sidoo kale xusay in Puntland leedahay ciidamo xooggan oo tayo leh kuwaasoo awood u leh in ay cadow kasta ka difaacaan Puntland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"dowladda Puntland waxay dagaal kula jirtaa argagixisada Al-shabaab...nasiib darro dowladda Puntland dagaalkaas keligeed ayey ku noqotey, waxanse idiin xaqiijinayaa  Puntland waxay leedahay ciidamo amni oo xoog leh kuna filan sugidda amniga gudaha iyo ciddii kusoo xad gudubta xuduudaha"


GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM