Cabdiweli Gaas: "wariyaha aan dhexdhexaad noqon waa la xirayaa"

Image

May 26, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowladdu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto warbaahintii laga arko inaysan dhex dhexaad ahayn.

Waraysi uu siiyey idaacadda VOA ayuu ku sheegay inay jiraan qaybo kamid ah warbaahinta oo wareysta mucaaradka keliya islamarkaana baahiya dacyaadaha ka dhanka ah dowladda, arrintaasina tahay mid aan loo dulqaadan karin.


 

"haddaad damacdo inaad dowladda dumiso, oo maalin kasta dad mucaarad ah u yeeratid oo aad tiraahdid dowladda hala dacaayadeeyo, ma soconeyso... ama wariye ha ahaado ama qof kale ha ahaado haddii qofku sharciga jebiyo dabcan waa la qabanayaa waana la xirayaa"ayuu yiri.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya saddex maalmood kaddib markii magaalada Garowe lagu xirey labo wariye oo ka tirsan Radio Daljir. Sababta wariyeyaasha loo xirey ayaa ahayd kadib markii uu idaacadda ka baxay barnaamij dood ah oo lagu falanqeeyey waxqabadka xukuumadda Madaxweyne Gaas iyo dhaliilaha dadku usoo jeedinayaan.

Sidoo kale, waxaa todobaadkii hore muddo kooban shaqada laga joojiyey wakiillada Telefishinka SNTV u jooga Puntland, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku eedeysey in telefishinku baahiyey warbixin liddi ku ah qaabka Puntland u qaabishey qaxootiga ka imaanaya Yemen.

Waxaa xusid mudan, in ballanqaadyadii uu sameeyey Madaxweyne Gaas markii la doortey ay qayb ka ahayd inuu ilaalin doono xoriyatul qowlka iyo madax bannaanida saxaafadda. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM