Caleema-saarka Deni iyo xiisada siyaasadeed: Qandho-jabin mise shidaal?

Image
Munaasabadan ayaa waxa ay kusoo beegantay iyadda oo ay furan yihiin mowjado siyaasadeed oo waaweyn.

GAROWE, Puntland - Wafdi isugu jira madax iyo siyaasiyiin ayaa gaaray magaalada Garoowe halkaas oo ay kaga qeyb galayaan caleema saarka Madaxweyne Deni oo dhawaan dib loo doortay horaantii bishan.

Qaar kamid ah hogaamiyeyaasha maamul goboleedyadda iyo madax hore oo heer federaal ah ayaa illaa haatan iska-xaadiriyey caasimada Puntland si ay uga soo muuqdaan munaasabadan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Ciid, iyo hogaamiyaha Koonfur Galbeed, Laftagareen soo wajahan ayaa la filayaa. Balse waxaa la tabayaa Axmed Madoobe (Jubaland) iyo QoorQoor (Galmudug).

Madaxdii hore ee illaa haatan gaartey Garowe waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Xasan Cali Kheyre, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiweli Cali Gaas, Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdifaarax Faarax Shirdoon.

C/qaadir Axmed Cali Firdhiye, Hogaamiyaha SSC-Khaatumo, ayaa ka mid ah waftiga soo gaaray Garoowe, kaasoo loo sameeyay soo dhaweyn ballaaran oo ay ka qeybgaleen qaybo kala duwan.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horey waxaa isaga awgiisa dib loogu dhigay xafladdan muddo labo jeer ah jadwalkiisa mashquulka ah aawadeed.

Si rasmi ah looma caddeyn karo illaa haatan inuu kasoo muuqan doono xafladdan oo qorshuhu yahay in ay qabsoonto 25-ka bishan Janaayo, 2024 isla markaana la filayo in si weyn loo camiro.

Munaasabadda ayaa ka kooban gelinka hore oo ay kasoo muuqan doonaan diblumaasiyiinta qaar kamid ah wadamadda caalamka iyo gelinka dambe oo madaxda Soomaalida iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ah.

Xafladdan ayaa waxa ay kusoo beegantay iyadda oo heer-kulka siyaasadda Soomaaliya uu sareeyo iyo maalin kadib markii la meelmariyay habraaca wax ka badalka dastuurka dalka ee buuqa xooggan uu hareeyay.

Sikastaba ha ahaatee, su'aasha is-waydiinta mudan ayaa waxay tahay caleema-saarka Deni ma waxay xasaradan siyaasadeed u noqon doontaa qandho-jabin mise baaziin ayay kusii shubi doontaa is-mari-waagga?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM