Cali Galayr: Gaas ayaa fogeeyey rajadii wada-xaajoodka Khaatumo iyo PL

Image

November 10, 2014 (GO)- Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo la hadlayey barnaamijka Wicitaanka Dhegeystaha ee ka baxa idaacada VOA, ayaa sheegay  xilligan la joogo inay  yartahay rajada laga qabi karo wadahadal dhex mara Khaatumo iyo Puntland.

Galayr oo ka jawaabayey su'aal ahayd sidee u aragtaan inaad wada hadal la furtaan maamullada Puntland iyo Somaliland wuxuu carabka ku adkeeyey inay wada xaajoodka diyaar u yihiin, haseyeeshee marka la eego siyaasadda Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo qaabka uu wax u wado ay adag tahay in labada dhinac meel dhexe isugu yimaadaan.

"Maamulka Puntland madaxweynihiisu waayadan waxaad moodaa sida uu u hadlayaa in lasii kala fogaado maahee inaan laysu soo dhowaaneyn...waxan is leeyahay maalintii la doortay iyo maanta, maanta ayey fogtahay, markii kaambeynkiisa uu wadey wuxuu ka hadlay in dadka dhulkaas ku nool aayahooda ka talin doonaan uuna taageersan yahay..." ayuu yiri.

Dhanka kale Madaxweynaha Khaatumo wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal ay la furaan Maamulka Somaliland oo sida uu sheegay ciidamadiisu xoog ku haystaan deegaano ka tirsan Sool iyo Cayn.

Galayr oo hadalkiisa sii wataa wuxuu intaas ku daray in Khaatumo xalka koowaad u aragto in iyaga iyo Somaliland wada hadlaan maadaama awood militeri waxba lagu xalin karin.

"wadahadal waan u baahanahay...Khaatumo nabad bay rabtaa ciidamadaasi dhulka inay nooga baxaan baan rabnaa wada-hadaladaasna waxaan ku rajo weynahay inay noo sahlaan si nabad ah ciidamadaasi inay ku baxaan"

Cali Khaliif Galeyr oo ah siyaasi ruug cadaa ah xilal kala duwana kasoo qabtay dowladihii kala duwanaa ee dalka Soomaaliya soo maray, waxaa madaxweynaha maamulka Khaatumo loo doortay August 14, 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM