Camay "Al Saaciduun waa urur Xaaraam ah oo Mamnuuc ka ah Puntland"

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweyne oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa gaashaanka ku dhuftay hishiis dhexmaray ururka Al Saaciduuna Bil Xaq iyo maamulka gobolka Nugal.

Cabdixakiim Xaaji Cumar Camay oo hareerihiisa taaganyihiin qaar kamid ah golaha wasiirradada Puntland iyo taliyaasha ciidamada ayaa sheegay in ururkaas uu yahay mid Xaaraam ah  oo dowladdu horay u mamnuucday.

Kulankii dhexmaray guddoomiyaha gobolka Nugal iyo ururkaas ayuu sheegay inuu shaki badan dhaliyay taasna ay ka xunyihiin, wuxuuna ballan qaaday in dowladdu qaadan doonto doorkeeda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa kooxdaas.

Mar uu ka hadlayay farqiga u dhaxeeya ururrada kale ee ka jira deegaanada Somalida iyo Al Saaciduun, ayuu sheegay in kuwani yihiin koox gaalaysiinaysa dadka islamarkaana xaaraam u aragta fikradaha dadka kale.

Waxaa sidoo kale wax laga weydiiyay tallaabada maamulka gobolka Nugal uu hishiiska kula galay kooxdaas iyadoo dowladdu mamnuucday, wuxuuna sheegay inaysan garan karin oo su'aalaha qaybtood u baahantahay in Guddomiyaha iyo Generalka la weydiiyo, balse ay dowlad ahaan marnaba ogolaan doonin in hishiis la galaan kooxdan.

Baraha bulshada ayaa aad looga falanqeeyay hishiiska maamulka gobolka Nugal la galay kooxdaas oo gabi ahaanba calaamad cas laga saray guud ahaan Somalia, waana sababta uu Camay ula hadlay warbaahinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM